USA oo mamnuucay alaabta lagu sameeyo Gobolka Xinjiang ee Musliminta lagu dhibo

USA-(Berberanews)-Iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka ka dhexeeya Beijing iyo Washington, Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixay sharci cusub Khamiistii, kaasoo mamnuucaya alaabada lagu sameeyo gobolka Xinjiang ee Shiinaha.

Sharcigan cusub ayaa sabab looga dhigay cadaadiska Shiinuhu ku hayo dadka tirada yar ee Muslimiinta Uighur.

Sharciga oo ay dabada ka riixayaan xubnaha Congress-ka, ayaa horraantii bishan cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Aqalka Wakiilada iyo Guurtida.

Waxa ay ku soo rogtay mamnuucid soo dejinta Mareykanka ee alaabada Xinjiang iyada oo ka dalbanaysa alaab-qeybiyeyaashu in ay marka hore caddeeyaan in alaabadooda aan lagu samayn shaqo qasab ah.

Khubarada Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda ayaa ku qiyaasay in in ka badan hal milyan oo qof, oo u badan Uighurs iyo xubno ka tirsan Muslimiinta laga tirada badan yahay, lagu xidhay sannadihii u dambeeyay nidaam ballaadhan oo kaamamka Xinjiang ah.

Maraykanka iyo kooxo badan oo u dooda xuquuqda ayaa ku tilmaamay xasuuq.
Shiinaha ayaa beeniyay xadgudubyada ka socda Xinjiang.
“Waa xaalad xuquuqul insaanka oo naxdin leh, oo si buuxda loo cunaqabateeyey – sida aan hadda ognahay – Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha,” Senator Marco Rubio, oo ah hogaamiyaha sharciga ee Jamhuuriga, ayaa yidhi todobaadkii hore.

Berberanews.com
Info@berberanews.com