Booliiska Los Angeles oo si kama u toogtay gabadh 14 jir ah

Los Angeles-(Berberanews)-Booliiska Los Angeles ayaa si xun u toogtay gabadh 14 jir ah oo ku jirtay qolka labiska ee dukaanka dharka khamiistii iyaga oo rasaas ku furayay qof loo tuhunsanaa inuu weerar ku qaaday qof dumar ah goor hore, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Booliska ayaa sidoo kale dilay ninka laga shakisan yahay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Isaga iyo gabadha lama magacaabin.

Haweeneyda la weeraray ayaa la geeyey Isbitaalka iyadoo qabta dhaawacyo halis ah iyo mid dhexdhexaad ah.

Rasaasta ayaa la riday abbaare 11:45 a.m. dukaanka Burlington – qayb ka mid goob hore loo odhan jiray Burlington Coat Factory – oo ku taal aagga Waqooyiga Hollywood ee dooxada San Fernando.

Bilayska ayaa markii hore ka jawaabay wararka sheegaya in qof lagu weeraray hub wax dila ah iyo sidoo kale wararka sheegaya in rasaas lagu furay, ayuu yidhi Capt. Stacy Spell oo bilayska Los
Angeles ah oo shir jaraa’id qabtay.

Spell ayaa sheegay in askartu ay rasaas fureen markii ay arkeen tuhmanaha oo weeraraya qof kale.

Tuhmanaha waxaa haleeshay rasaasta askarta waana la dilay, ayuu yidhi Spell. Mid ka mid ah rasaasta ayaa soo martay gidaarka qolka labiska waxayna ku dhacday gabadha 14-jirka ah, sida uu sheegay Kaaliyaha madaxa LAPD Dominic Choi.

Saraakiisha ayaa markii dambe ka helay maydkeeda gudaha.