calooshood u shaqeystayaal uu Ruushku ku daad gureynayo Mali

Faransiiska iyo 15-ka dal ee xulafada la ah ee ku nool Yurub iyo Canada ayaa cambaareeyay waxa ay ugu yeereen ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushku ku daad gureynayo dalka Mali.

Waxa sheegeen in arrintan “ay ka sii dari karto xaaladda ammaanka ee Galbeedka Afrika”, oo la daalaa dhacaya kooxahajihaad-doonka ah.

Dalalka Galbeedka ayaa dowladda Ruushka ku eedeeyay inay gacan ka geysatay calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee la geeyay Mali.

Ruushka ayaa beeniyay inay dowladdu wax xiriir ah la leedahay shirkaddan militari ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Midowga Yurub ayaa dhowaan cunaqabateyno ku soo rogay kooxda Wagner, iyagoo ku eedeeyay inay ku lug leeyihiin tacaddiyo baahsan oo xuquuqda bani’aadamka ah.

Kooxdan qarsoodiga ah ayaa waxaa markii ugu horreysay la ogaaday sanadkii 2014 markaas oo ay taageerayeen goonni u goosatada Ruushka taageersan ee qeybta ka ahaa dagaalka bariga Ukraine. Tan iyo markaas, waxay ka howlgali jireen dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Mozambique, Suudaan, Libya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Warbixin ay shalay soo saareen, ayay dalalka Galbeedku waxay ka digeen in kooxdaasi Wagner oo la geeyo Mali ay horseedeyso inay ka sii darto xaaladda xuquuqda bani’aamka ee Mali ayna carqaladeyneyso heshiiska nabadeed ee ka socda dalkaasi ay dagaalladu halakeeyee.

Waxay sidoo kale sheegeen inay aad uga xun yihiin in dowladda Mali ay door biddo in lacagaha dadweynaha ee markoodii horeba yaraa ay u adeegsadaan inay ku bixiyaan lacagta calooshood u shaqeystayaasha, beddelkii ay ku taageeri lahaayeen ciidamada dalka.

War-saxaafadeedka waxaa si wada jir ah u soo saaray dalalka Biljamka, Canada, Jamhuuriyadda Czech, Denmark, Estonia, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Lithuania, Netherlands, Norway, Portugal, Romania iyo Sweden iyo UK.

Faransiiska – oo hore u gumeystay Mali – ayaa dhowaan ciidamadiisa kala soo baxay saldhigii ugu dambeeyay ee ay ka joogeen waqooyiga Mali, tan oo qeyb ka ahayd qorshe ballaaran oo uu ciidamadiisa la dagaallamayay kooxaha Islaamiyiinta kala baxayo gobolka Saaxil.

Mali ayaan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka bixin kooxdan Wagner ee dalkaasi tagtay.

Maxay tahay Wagner? 

Si rasmi ah marka loo fiirinayo, ma aha koox jirta – in loo shaqeeyo qaab calool u shaqeysi ah waxay kasoo hor jeeddaa sharciga Ruushka iyo midka caalamiga ah.

Laakiin ilaa 10,000 oo dadka howlgallada noocaas ah fuliya ayaa la aaminsan yahay in ay ugu yaraan hal mar qandaraas la galeen kooxda Wagner toddabadii sano ee lasoo dhaafay gudaheeda.

Markii ugu horreysay magaca Wagner waxaa la maqlay 2014-kii, xilligaasoo ay ka dagaallamayeen bariga Ukraine.

Qiyaastii 1,000 nin oo ka tirsan Wagner ayaa la rumeysan yahay in ay ka bar bar dagaallameen Janaraal Khalifa Hafter oo ku sugnaa Liibiya intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.

BBC-da laanteeda Ruushka ayaa mid ka mid ah raggii horay ugu soo dagaallamay kooxdan weydiisay waxa ay tahay Wagner. Wuxuu ku jawaabay: “Waa garab loogu talagalay in ay fuliyaan danaha ay dowladda ka leedahay xudduudaha ka baxsan waddankeenna.”

Wuxuu sheegay in arrintaas la weydiin karo dadkii usoo dagaallamay Wagner oo “qaarkood ahaayeen khabiirro dagaal”, iyo dad shaqo doon ahaa ama kuwo jeclaa inay dalkooda u adeegaan.

@Bbc Somali