Sheekh Khaliil: Dimuqraadiyaddu waxay khatar ku tahay Diinta Islaamka

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirkii hore Ee Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in dimuqraadiyaddu khatar ku tahay Diinta Islaamka.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed intaa ku daray in reer Galbeedku wax siiyaan cidii ku raacda diintooda.

Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa
yidhi :- ”Dimuqraadiyaddu waxay khatar ku tahay Diinta Islaamka , reer galbeedka madaxdoodu cidii ku raacda diintooda ayay wax u dhiibaan oo la soconayaan, lana shaqey-nayaan ,

Balse ciddii Misaajid weli galaysa , culayska iyo is hortaagu wuu u yaalaa , culayska ina haystana ilahay aynu kaalmeysano “.