Vladimir Putin oo meesha ka saaray inay xoriyad tahay aflagaadada Nebigu

Rusia-(Berberanews)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa sheegay in aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH aanay marnaba qayb ka ahayn xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabiri karo.

Putin ayaa khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu jeediyay maalintii Khamiista hoosta uga xariiqay in uu taageersan yahay xorriyadda farshaxanka balse waxa uu ka digay in aanay soo dhaafin xadkeeda oo aanay ku xad gudbin xorriyado kale.

“Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiba waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha waxayna ku xad gudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka,” ayuu yishi Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS.

Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaasoo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH).

Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhammaantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala heystaan, isagoo intaas ku daray in waddankiisa uu yahay mid ku dhisan “dhaqamo aad u kala duwan” oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka.
Dalal badan ayuu madaxweynaha Ruushka sheegay in aysan xushmaddaas ilaalinin.

Madaxweyneyaasha horay mowqifkan oo kale ugu difaacay Nabi Muxammad iyo Diinta Islaamka waxaa ka mid ah hoggaamiyaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.

Dhanka kale Vladimir Putin ayaa cambaareeyay sawirrada Naasiyiintii Jarmalka ee uu hoggaaminayay Adolf Hitler ee lagu daabacay website-yada, sida mid lagu sheegay in uu yahay sawir aan dhimaneynin oo loo hibeeyay dadkii Ruushka u dhashay ee ku dhintay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Hadalka madaxweyne Putin ayaa yimid xilli sannadihii dambe ay sii badanyeen xasaradaha ka dhasha aflagaaddeynta Nabi Muxammad NNKH, taasoo ka careysiisay dad badan.

Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, Samuel Paty oo ahaa macallin 47 jir ahaa oo u dhashay Faransiiska ayaa la gowracay kaddib markii uu ardaydiisa tusay sawirro kartoon ah oo lagu matalayay Nabi Muxammad NNKH.

@Bbc Somali