“Guddoomiyaha Wakiiladu wuxu qaaday tallaabo wanaagsan” Xildhiban Raambo

Hargeysa-(Berberanews)-“Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxa uu qaaday tallaabo u wanaagsan habsami socodka shaqada Golaha iyo ilaalinta isku xukunka sharciga.
Maxkamadda Dastuuriga ah, waa mid ka madax-bannaan waaxyaha kale ee qaranka, isla markaana waa dhexdhexaad.

Waxa dastuurka JSL uu awood buuxda u siiyay tafsiirka dastuurka iyo shuruucda. Go’aanka Maxkamaddu waa kama danbays sida ku cad xeerarka dalka. In aynu dhammaanteen ka war sugno go’aankeedu waa arrin dastuuri ah oo ku dhisan ilbaxnimada dawladeed.”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ku qoray bartiisa Facebook.