Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland oo soo bandhigtay qorshe sannadeedka 2022

HARGEYSA-(Berberanews) Shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyadda ee Somaliland ayaa waxa maanta lagaga hadlay qorshaha sannadka 2022-ka oo ay wasaaraddu ay dhammaystirtay.

Wasiirka wasaaradaasi Cabdiweli Sheeh Cabdillaahi Suufi Jibriil ayaa sheegay in wasaaraddu ay u xil saran tahay qaranka isgaadhsiinta iyo tignoolijiyadda isla markaana ay kala shaqayso hay’adaha dawladda dhinaca tignoolijiyadda iyo casriyaynteeda, waxaana uu tilmaamay in qorshaha sannadkan ay ugu jirto sidii loo casriyayn lahaa adeegyada isgaadhsiinta iyo tignoolijiyadda ee laamaha dawladda.

Shirka wasarada isgaadhinta
Shirka wasarada isgaadhinta
Shirka wasarada isgaadhinta

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi ayaa isna sheegay inay soo bandhigayaan qorshaha sannadka 2022-ka ee wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolijiyadda, waxaana uu tilmaamay in qorshahani uu soo socday muddo dheer.

Guddoomiyaha komishanka maamul wanaagga Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in wasaaradda isgaadhsiinta ay wada shaqayn dhaw leeyihiin, isla markaana kala shaqayn doonaan wixii ay uga baahdaan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com