Muj. Dhegaweyne oo deedafeeyey jiritaanka Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland

“Xaalad adag ayaa la gali doonaa, haddii aan xaaladdan caqli lagu darin oo meel xun bay gaadhaysaa, ismaandhaafku halkuu marayana wuu kala fog yahay imminka. Wixii la isku qabto maxkamaddii kala saari lahayd ma dhisna, Maxkamadda Dastuuriga waa in la sameeyaa, waayo maxkamad dastuuriya ayaan waddanka ka jirin oo 30 sanno ayaynu ku samayn waynay. Wixii sharciga ku qoran waa in la yeelo oo sharciga la raaco.”
Sidaa waxa yidhi Mujaahid Ibraahim Xuseen Cabdillaahi (Dhegaweyne) oo la sheegay inuu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, isagoo deedafeeyey jiritaanka Maxkamadda Distooriga ee Somaliland oo jiritaankeeda uu xaqiijiyey distoorka dalka.

Xigasho mareegta qaranwes.com