Golaha Wakiillada oo la hor-geeyey oddoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka iyo Su’aalo laga Weydiiyey Wasiirka

Hargeysa (Berberanews):- Fadhigan maanta ee Golaha Wakiillada oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa Mudaneyaasha Golahaas ka hor akhriyey warbixinta guud ee odoroska Miisaaniyadda Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, isaga oo si guud u dul maray waxyaabaha ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda uu Golaha horkeenay.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa is dul taagay meelaha ay mudnaanta siiyeen iyo mashaariicda ku jirta Miisaaniyadda.

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya tii u horreeysay ee la horkeeno, ayaa su’aallo gaadhaya 70 su’aalood ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi ee la socotay Miisaaniyadda la horkeenay iyo qaabka ay u soo diyaariyeen.

Xildhibaannada, ayaa su’aalahooda ku qotomeen xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo miisaaniyadda la horkeenay qaabka ay isu waafaqayaan, waxaanay qaarkood weydiiyeen deegaannada laga soo doortay duruufaha ka jira ee abaaruhu ka mid ka yihiin iyo sida aan dhaqaale badan ugu jirin miisaaniyadda..

Berberanews.com
Info@berberanews.com