Wararkii u dambeeyey ee xaaladda Somalia iyo Farmaajo iyo Rooble oo isu hub urursanaya

MUQDISHO —(Berberanews)-
Ra’iisal-wasaaraha maamulka burburka qarka u saaran ee Soomaaliya Mr Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si dag uga horyimi qoraal uu madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu shaqada kaga joojiyey.
Rooble ayaa amarka Madaxweyne Farmaajo shaqada kaga joojiyey ku tilmaamay tallaabo hareer marsan dastuurka iyo sharciga dalka, wuxuuna mas’uuliyadda wixii ka dhasha dusha u saaray madaxweynaha.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha maanta ayaa lagu sheegay in Rooble si caadi ah u wato shaqo maalmeedkiisa, isla markaana ay ka go’an tahay in aannu cidna ugu heybeysan gudashada waajibaadkiisa. “Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday wuxuu caadeystay ku tumashada dastuurka, shuruucda yo xeerarka waddanka u yaalla, isagoo lumiyey dhammaan awoodaha sharci ee ku xusan qodobka 87aad ee dastuurka,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Rooble.
Ugu dambeyn, waxa qoraalkiisa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu bilaabay wax u eg afgambi ciidan.
Muranka u dhexeeya labada masuul ee ugu sarreeya maamulka Muqdisho, ayaa cirka isku sii shareeray 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo durba ay magaalada Xamar ka bilaabmeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u muuqda in labada dhinac isu hub urursanayaan.
Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray xalay saqdii dhexe ku sheegay inuu shaqada ka joojiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyay inuu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifalid dhul dan guud ah oo ay leeyiiin ciidammada Soomaaliya.
Khilaafkan cusub ayaa casbi iyo jahawareer badan ka dhaliyay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Maraykanka iyo waddamada daneeya arrimaha Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay muranka cusub ee labada hoggaamiya.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay muhiim tahay in madaxda dawladda iyo maamul-goboileedyadu ay si degdeg ah u dhammeystiraan doorashooyinka, sidoo kalena walaacyada jira ay hab furan oo la aqbali karo wax uga qabtaan.