Indonesia oo dalkeeda u diiday doon ay saarmaayeen Muslimiin Rohingya

Indonesia-(Berberanews)-Daraasiin qaxoonti Rohingya ah oo la qabtay kadib markii doonidii ay la socdeen ay dhibaato kala kulantay xeebaha gobolka Aceh ee Indonesia ayaa loo diray biyaha Malaysia, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Ugu yaraan 100 qof oo u badan haween iyo carruur oo saarnaa markab alwaax ayaa loo diiday in ay gabaad ka dhigtaan dalka Indonesia, waxaana taa beddelkeeda lagu riixay dalka deriska la ah ee Koonfur Bari Aasiya.

Inkastoo hay’adaha aan dowliga ahayn iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ay ku baaqayaan in la qaabilo, haddana maamulka Indonesia ayaa isku dayaya in ay kooxda dib u celiyaan ka dib markii ay siiyeen sahay, dhar iyo shidaal, iyo sidoo kale farsamayaqaan u hagaajiya doonidooda burburtay.

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta salaasadii, sarkaal ka tirsan ciidamada badda Dian Suryansyah ayaa sheegay in Rohingya aanay ahayn muwaadiniin Indonesian ah, ciidankuna aanu “keeni karin qaxooti”.

“Tani waa mid waafaqsan siyaasadda dowladda,” ayuu raaciyay.

Doontan oo alwaax ka sameysan ayaa markii ugu horeysay la arkay labo maalmood ka hor, iyadoo ku go’doonsan meel 70 nautical miles (130km) u jirta xeebaha Indonesia, sida uu sheegay taliyaha ciidamada badda ee deegaanka.
Rohingya waxa ay kala kulmaan takoor baahsan gudaha Myanmar.

Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay in uu ahaa xasuuq ayaa  boqolaal kun oo Rohingya ah oo ka gudbay xadka Bangladesh sanadkii 2017, halkaasoo tan iyo markaas ay ku noolaayeen xeryo qaxooti oo baahsan.