Askarigii ugu danbeeyay!

Askarigii u danbeeyay khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta (Othman empire) ayaa sii waday ilaalinta Masjidka Al-Aqsa ilaa 1982-kii, wuxuu geeriyooday isagoo da’diisu tahay 93-sano, lixdan iyo shan (65)sanadood buu gaadh ka ahaa masjidka barakaysan, Wuxuu diiday inuu fuliyo awaamiir ah inuu ka baxo Quddus oo uu ku laabto gurigiisii (Turkiga) wuxuuna yidhi “Qudus wey ka sarreysaa amarrada aad i siinaysaan .” 

Mar la waydiiyay 10naan sano kadib isagoo aad moodo dhagax wayn oo qotoma sababta uu ugu noqon waayay dalkiisii? waxa uu ku jawaabay isagoo aan ka dhaqaaqin halkii uu ilaalada u taagnaa”waxaan ka baqayaa in uu ka xumaado Nebi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee hadii aan ka tago ilaalinta qibladii hore ahna masjidka saddexaad ee barakaysan”. 

Hassan Igdirli (93 jir), waa askarigii ugu dambeeyay ee  Cusmaaniyiinta ee  Masjidka Al-Aqsa(1982), balse ma aadin dalkiisa ee wuxuu aaday qabriga oo waxaa  u timi geeridii xaqa ahayda.!

Waxaa si lama filaan ah ula kulmay SaxafiTurki ah oo lagu magacaabo Ilhaan Bardakci, oo ku sugnaa Masjidka Al-Aqsa Jimcihii, sanadku markuu ahaa 1972-kii, iyadoo maqaal uu kaga sheekaynayo uga dhigay cinwaan “Waxaan kula kulmay Masjidka Al-Aqsa.” 

 Markii weriyaha Turkiga ee Ilhaan Bardakci oo ay wehelinayeen  mas’uuliyiinTurki iyo ganacsato ay booqasho sharafeed ku tageen Israa’iil, qof ka mid ah shacabka Turkiga ma uu maqal qisada laba alifle Hasan. 

Bardakci waxa uu sheegay “in safarku uu la mid ahaa kuwa kale ilaa maalintii afraad oo uu goob joog u ahaa dareen qiiro leh uu kala kulmay Qudus”,sababtoo ah maalintii afraad ee booqashada, waxay [masuuliyiinta Israa’iil] nagu soo hoggaamiyaan meelo taariikhi ah iyo meelo dalxiis ah, waxaanan nimid Masjidka Al Aqsa, waxaan dareemay farxad markii aan fuulay dabaqa sare ee masjidka xurmada lehoo ay ugu yeedhaan barxadda sare “‘12,000 chandelier”(laydhka dhawrka xabo ka kooban ee guryaha lagu qurxiyo)halkaas oo Yavuz Selim( suldaankii Cismaaniyiinta 1512-1520) uu shiday 12,000 oo shumac ah,ciidankii cusmaaniyiinta ayaa salaadda cishaha ku tukaday sida qoraalada iyo magaca ka muuqda, dabadeed, waxaan barxadda Masjidka Al-Aqsa ku arkay nin da’diisu ka wayn tahay 80 jir, kaas oo soo jiitay dareenkayga.

Bardakci ayaa weydiiyey sarkaalkii arrimaha dibadda ka socday ee israieliga(yuhuudi) ahaa  oo agtiisa taagnaa barxadda masjidka? Sarkaalkii ayaa ku jawaabay isagoo leh: “Ma garanayo, malaha waa nin waalan, cidna waxba ma waydiiyo, cidna ma eego.” Bardakci kuma qancin jawaabtaas oo wuxuu yidhi, “qofna kuma dhalaali karo cadceeda kulul ee daaradda sabab la’aan. “Waxaan ka tegi waayay baa ahaa gadhkiisa cad ee dhalaalaya ee ay sababtay neecawda ama culayska sannadah( da’da)”. Ma aan hubin inuu ila hadli doono iyo in kale. Markaan ku soo dhawaaday, waxaan ogaaday in aanu odaygu is dhaqaajinayn dabadeed, waxaan odaygii ku salaamay afka turkiga “As-salaam-calaykum aabbe”, indhihiisii ​​buu kor u qaaday, waxaanu iigu  jawaabay afka reer Anatoliya( الأناضول)oo si fiican u yidhi: “nabad wiilkeygiiyoow. “ Isaga oo ka jawaabaya su’aasha Bardakci ee ku saabsan waxa uu halkaas ka qabanayo, odaygu waxa uu ku jawaabay: “Anigu waxaan ahay laba Alifle Hasan oo ka tirsan ciidanka 20-aad, guutada 36-aad, kooxda 8-aad ee qoriga culus”.

Wuxu sii watay hadalkiisii “Ciidankeenu waxa Ingiriisku ku soo weeraray kanaalka Suweys ee dagaalkii Koowaad ee aduunka  ciidankeenii sharafta lahaa waxaa lagu jabiyay Kanaalka Suways (suez canal) in dib loo gurtaa waxay ahayd baahi jirtay waayo dhulkii awoowayaasheen ee aynu dhaxalka u lahayn ayaa ku sigtay in mid mid loo lumiyo,dabadeed, Ingiriisku waxay ku soo riixeen ciidankeena albaabbadii Qudus, waxayna qabsadeen magaalada, waxaa nalaga tagay annagoo ah ciidamo ilaalo ah oo ku sugan Qudus, si aanay boob iyo biliiliqo uga dhicin. 

“Sidii dhaqanka ahayd ciidamada dagaalka guulaystaa waligood ulama dhaqmaan ilaalada sida maxaabiis dagaal”. 

Markii ciidamada Ingriisku ay galeen magaalada Qudus, waxay doonayeen in ciidan yar ay ku sugnaadaan magaalada si ay uga fogaadaan fal-celin xun oo shacabka ka iman karta .

 “ilaaladu waxay ka koobnaayeen 53 qof oo gaar ah, waxaan helnay warka ah in xabbad joojin lagu heshiiyay kadib heshiiska (Mondros Armistice October 30,1918). Gaashaanleheenii ayaa noo soo waday, waxa uu yidhi:”

Libaaxydiiyow, dalkeennu waxa uu ku jiraa xaalad adag,waa in aan saaraa ciidankeena sharafta leh waxaana layga yeedhayaa Istanbul, Waa inaan tago, haddii aanan yeelin, waxaan noqon doonaa mid ka hor yimid maamulka, oo ku guuldareystay inuu adeeco amarka, Qof kasta haduu doono wuu ku noqon karaa wadankii hooyo, laakiin haddaad hadalkayga raacaysaan, waxaan idinka codsanayaa: “Qudus waa dhaxalkii Suldan “Yavus Selim Han” Jooga oo shaqada Ilaalinta halkan ka sii wada,dadku yaanay ka welwelin bixida cismaaniyiinta oo aanay odhan wayna dayaceen;  ”’ Reer Galbeedku way ku farxi doonaan haddii aynu ka wada baxno qibladii ugu horreysay ee u tukaday nabigeenu salalaahu calayhi wasalam, yaan lagu tuman sharafta Islaamka iyo sharafta khilaafada”.

 Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ciidankeenna ilaalada ahi waxa ay joogeen Quddus waxaana si ilbidhiqsiyo ah u libdhay sannado badan, Walaalahaygii ciidanka ahaa ayaa mid mid u geeriyooday, nama layn cadawgu laakiin qadar Alleh ayaa oofsaday, kaligay ayaa halkan ku hadhay. 

Hasan” Waxa uu Bardakci waydiistay samafal(ixsaan) wuxuuna ku yidhi : “Markaad tagto Anatolia(Turkey) haddii aad u sii gudubto Tokat Sanjak, fadlan soo booqo taliyahayga gaashnaale dhexe(Lieutenant) Mustafa, oo ah ninkii ii soo diray ilaalinta Masjidka Al-Aqsa oo igu aaminay meelahan xurmada leh, gacmaha iiga dhunko oo waxaad ku tidhaahdaa: ‘Laba alifle Hasan oo ka socda Gobolka Igdir ee kooxdii 11-aad ee qoriga Mishiingaanka ayaa weli ku hadhay Qudus .. Ma uu dayacin xilkiisa, wuxuuna kuu rajeeyay duco, taliye’!

Bardakci wuu aqbalay isagoo ilmada isku celinaya, wuxuuna qabtay gacmihii Hasan oo dhunkaday, marar badan, waxa uu yidhi: “Nabadgelyo aabbe.” Hasanna waa u mahadcelinayay, isagoo sheegayay inuu og yahay inaysan suurtagal ahayn in uu dib u arki karo  dalkiisii Turkiga iyo eheladiisiii….!

Markii wariye Bardakci ku laabtay Turkiga, wuxuu aaday Tokat Sanjak si uu u fuliyo oo u sharfo  codsigii Hasan, wuxuuna raad raacay taliyihii Hasan gaashaanle dhexe Mustafa Efendi isaga oo baadhaya diiwaannada militariga, balse nasiib darro taliyaha ayaa geeriyooday sannado ka hor. Bardakci ma awoodin inuu oofiyo balantii uu u qaaday laba Alifle Hasan. 

Sannadkii 1982-kii, Bardakci waxa uu helay fariin telegraph ah oo ay ku qoran tahay: “Masjidka Al Aqsa waxaa maanta geeriyooday Hassan   igdirli mas’uulkii ugu dambeeyay ee Cusmaaniyiinta.!

Qisadani waxay dib inoo xusuusisay hal adaygii iyo geesinimadii walaalaheenii inaga horeeyay iyo sidii ay ruuxdoodu u dhisnayd una ilaalin jirreen sharafta Islaamka iyo jacaylkay u qabeen nabi Muxamed salawaatu Rabbii wasalaamu callayh.

“مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ ۖ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلً”

Ilaahay ha u naxariisto oo jannadii ha uggu deeqo dhamaantood,!凌

Qore: Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)