Hargeysa-(Berberanews)-Masuuliyiinta dastuurku waajibiyay inuu ansixiyo Golaha Wakiilladu waa in isla marka la magacaabo loo gudbiyo Golaha. Haddii duruuf jirta darteed lagu gayn kari waayo waxa ay si ku meel gaadh ah xilka ku hayn karaan sadex bilood oo keliya. Haddii ay ku dhaafto saddex bilood waa dastuur jebin cad oo aan qiil loo heli karin.
Golaha Wakiilladu waa ku saxan yahay inuu ku celiyo madaxwaynaha. Waxa sharci ahaan waxba kama jiraan ah (null and void) tallaabo kasta oo ay qaadeen – magacaabis, heshiis ay galeen, lacag ay bixiyeen iwm – intii ay xilka joogeen.
Waxa la gudboon Madaxwaynaha Somaliland:
1. Inuu garwaaqsado inuu yahay madaxa qaranka (Head of State) oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalinta iyo raacidda dastuurka;
2. Inuu u eego tallaabooyinka uu qaadayo dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka. Waa waxa ay ku kala duwan yihiin boqor iyo madaxwayne;
3. Inuu yeesho – si la mid ah madaxda adduunka kale joogta – xafiiska latallinta sharci ee madaxwaynaha. Ma jiro madaxwayne la doortay oo aan lahayn xafiiskaas. Ma jiro madaxwayne la doortay oo qaada tallaabo aannu ka war hayn sharcinimadeeda xafiiska gaarka ah ee madaxwaynaha u qaabilsan sharciga. Xafiis ka baxsan madaxtooyada oo marmar loo yeedho ma dabooli karo baahida sharci ee taal xafiiska Madaxwaynaha. Maqnaanshaha xafiis sharci waxa ay keentay inuu madaxwaynaha galo qalalaad sharci oo baaxad wayn, balse si fudud loo arki karo.
Maanta dalku xiisadda siyaasadeed iyo sharci ee uu ku jiro waxa keenay gefka laga galay dastuurka ee keentay in doodi ka taagan tahay furitaanka ururrada siyaasadeed. Waa xiisad uu ka hortegi karaa lahaa qareen ama arday fasalka saddexaad ee sharciga dhigta oo xafiiska madaxtooyada ka shaqeeya.
Sida loo maamulo dal dastuur leh waxa ay u baahan tahay dhaqan dastuur raacid iyo ixtiraam sharci oo dhab ah.
Allahuma ballaqatu.
W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac.