Somalia: Rooble oo magacaabay guddi baadhaya afgambi uu ku eedeeyey Farmaajo

Muqdisho  -(Berberanews)- Ra’iisal-wasaaraha maamulka taagta daran ee Muqdisho Mr. Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo uu u xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan afgebi uu ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.
Dalka Soomaaliya waxa weli aan xal loo helin khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble, khilaafkan ayaa salka ku haya arrimaha dioorashada.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa xalay magacaabay guddi wasiirro ah, kuwaas oo uu ku amray inay baadhitaan ku sameeyaan dhacdadii 27-December lagaga horjoogsaday xafiiskiisa.
Waxa la sheegay in askar ka tirsan madaxtooyada ay ka hor-joogsadeen shaqadii xukuumadda, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxana falkaas ay Golaha wasiirrada ku tilmaameen isku day afgembi.