Xidhiidhka Somaliland iyo Turkey waa inuu noqdaa mid labada dhinac ka miisaaman

▪︎Faaladan waxa qoray Michael Rubin oo wakhtigan jooga Berbera, Somaliland-

Somaliland waxa ay ku socotaa heer cusub,horaantii bishii hore, ayaa xubno ka tirsan Koongreeska Maraykanka ay booqasho ku yimaadeen Hargeisa.Waa safarkii ugu horeeyey ee mudo ah toban sano ama ka badan loo diro wadan ku yaala Geeska Afrika.

Magaalada Washington D.C, laba talliyayaal u ahaan jiray Amniga Qaranka, iyo sadex kale oo iyagana u ahaa lataliyayaal Waaxda Amaanka, sadex kaaliye oo qaabilsanaa arimaha Afrika iyo safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa dhamaantood amaanay Somaliland, hadii aanayba soo jiidin xidhiidh rasmi ah oo lala yeesho Somaliland.

Sidoo kale, dardargalinta dibloomaasiyada Somaliland ayaan ahayn mid ku kooban Maraykanka.Aasaaska xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland ayaa waxa uu kor u qaaday wacyiga Somaliland ee caalamka.

Dibloomaasiyiin Kenyan ah  ayaa dhawaan iman doona Hargeisa, si ay markaas shaqaale u geeyaan safaarada ay hore uga dhisteen agagaarka Hotel Ambassador.

Wufuuda reer Yurub waxa ay si is dabajoog ah u yimaadaan wadanka, si ay ku dheehantahay talaabooyin qunyar socod ahna waxa dibloomaasiyiinta Somaliland ay horumar ka sameeyeen wadamada dhaca dhinaca koonfureed ee Afrika iyo dhinaca galbeed ee Afrika.

Dhawr shirkadood, oo ah shirkadaha duulimaadyada oo caalamka laga leeyahay ayaa wada xaajoodyadii ugu dambeeyey la leh dawlada Somaliland, si ay uga shaqeeyaan Garoonka Caalamiga ah ee Berbera.

Dadaaladaa waxa aad barbar dhigtaa toban sano ka hor, markaas oo quus ay joogtay siyaasada Somaliland.

Maanta, dardar siyaasadeed oo ay la timid Hargeisa, iyo balaadhinta xidhiidhyada dibloomaasiyadeed ayaa waxa ay Somaliland siinaysaa in ay kasbato waxa ay doonayso.Laakiin xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland ayaan ahayn mid dheelitiran.

Waxa xaqiiqo ah in Somaliland ay qiimaynayso in Turkiga uu mudo dheer ku lahaa qunsuliyad Hargeisa, iyada oo wadamada kale ee caalamka ay iska fogeeyeen Somaliland.

Laakiin arinta  sidaas ah ayaa u baahan in wax la iska weydiiyo.Waa hubaal in Turkiga uu ku noolyahay Hargeisa, laakiin waxa uu aqoonsanyahay oo kaliya Muqdisho.

Waxa laga yaabaa in taas ay tahay aqoonsi la’aanta haysata Somaliland, laakiin waxa xadgudub ah in mucaawimooyinka Turkiga oo ay ku sawirantahay calanka Turkiga iyo Soomaaliya loo qaybiyo tuulooyin ka tirsan xuduudaha  la aqoonsanyahay ee ku yaala gudaha Somaliland.

Dhawrkii sanee u dambeeyey, ayaa lacagta adag ee Somaliland ka timaada ay ku sii jeeday Turkiga, sidoo kale ganacsiga Somaliland ayaa ku sii jeeday Turkiga.

Cuntada, dharka iyo qalabka electrooniga ah ee ka imanaya Turkiga ayaa si isa soo taraya lagu iibiyaa suuqyada Somaliland, laakiin xoolaha Somaliland ee iibka lala doonayo ma gaadhaan loomana iibgeeyo Turkiga.

Taas waxa ay keentay in lacag badan oo adag ay ka timaado Somaliland, ayna gasho wadanka Turkiga, laakiin ma jiraan lacag adag oo Turkiga ka timaada oo soo gaadha Somaliland.

Taas waxa ay daliil u tahay kala duwanaanshaha dhaqaalaha, laakiin mushkilada kale ee jirta ayaa ah in Turkiga, aanu dhinaca dibloomaasiyada aanu haba yaraatee ka caawin Somaliland, si uu ugu dheelitiro lacagta tobanaanka malyuun ee doolar ee uu ka qaato Somaliland.

Hadii isku dheelitirnaanta ganacsiga ay sii socoto, markaas waa in uu dhinacyo kale uga siiyaa magdhaw Somaliland.Ugu horayn waa in Wasaarada Arimaha Dibada Turkiga ay aqbashaa in ay abaalgud siiyaan dadka Somaliland.

Halkii la cambaarayn lahaa wakiilka Somaliland, oo la odhan lahaa ganacsi buu ku leeyahay suuqyada qahwaha ee Ankara, waa in Turkiga, uu u ogoladaa Somaliland in ay xafiis ka samaysato Ankara, ayna xafiiskaas ula dhaqmaan sida Somaliland ula dhaqanto qunsuliyada Turkiga ee Hargeisa.

Labaatan sano ka hor waxa aan booqday Ankara, si aan ula kulmo wakiilo ka socda xisbiyada siyaasiyiinta Kurdiyiinta Ciraaq.Markaas dawlada Turkiga waa ay ku adkaatay in ay wadahadal la furto, laakiin waxa ay u ogolaatay in ay xafiisyo rasmi ah ka furtaan Turkey, Somalilandna waxa ay u qalantaa sidaas oo kale.

Masuuliyiinta Somaliland waxa ay aqbalaan baasaboorka Turkiga, waxa ayna si sahala fiisaha u siiyaan ganacsatada Turkiga.

Waa aflagaado dibloomaasiyadeed in Turkiga uu diido in uu aqoonsado baasaboorka Somaliland, uuna si xun ula dhaqmo ganacsatada Somaliland ee dalbada fiisaha iyo ardayda Somalilland ee wax ka barta jaamacadaha Turkiga.

Is afgaradka labada dhinac waa in uu dhaafaa hab maamuuska dibloomaasiyadeed.Somaliland faraha lama gasho arimaha daakhiliga Turkiga, tusaale ahaan xidhiidh lama laha kooxaha Kurdiyiinta, ee Turkiga uu sheegay in ay wax u dhimayaan amaankiisa gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga waxa uu si joogto ah u maamulaa xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, waxa kale oo uu Turkiga maamulaa talada Soomaaliya, waxa kale oo uu Turkiga uu sii kordhiyey teegeerada uu siiyo madaxweynaha Soomaaliya ee wakhtigiisii uu dhamaaday Mohamed Farmaajo, waxana uu siiyaa madaxweynaha Soomaaliya hub halis ah oo ay dhici karto in aakhirka lagu weeraro, loona adeegsado Somaliland.

Isla hoosaasiintan ayaa waxa ay ka muuqataa Turkish Airways.Maamulka Turkiga waxa uu marar badan ku faanay in shirkadaha diyaaradaha Turkiga ay noqotay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Afrika.

Sanadkii 2011,diyaaradaha Turkiga waxa ay duulimaadyo ka bilowday 14 wadan oo Afrika ku yaala,sideed sano dabadeed 2020, waxa ay duulimaadyo ka bilowday 52 magaalo oo ku yaala Afrika.Waa in ay noqotaa 53 magaalo, waxana shirkadu iyada oo difaacaysa Farmaajo ay qaadacday Hargeisa, in kasta oo ay noqon karto mid dhaqaale ku salaysan.

Turkiga dhaqaalahiisa hoos ayaa uu u sii socdaa, waana  arin farxad leh  in Somaliland ay maanta leedahay saaxiibo badan.

Turkiga meeqaamkii adkaa ee awooda lahaa ee uu ku jiri jiray kuma jiro maanta.

Halkii uu Turkiga si balaa xad ah uga sii shaqaysan lahaa Somaliland, waxa danta Somaliland ay ku jirtaa in ay yarayso fursadaha uu Turkiga ka helayo Somaliland,si ay ugu khasabto Turkiga in dibloomaasiyada ay ka shaqayso labada dhinacba.Hargeisa waa in ay ka faa’iidaysato awoodeeda.XIDHIIDHKA TURKEY IYO SOMALILAND WAA IN UU NOQDAA MID LABADA DHINACBA KA MIISAAMAN

Axad, January 2,2021

Halkii uu Turkiga si balaa xad ah uga sii shaqaysan lahaa Somaliland, waxa danta Somaliland ay ku jirtaa in ay yarayso fursadaha uu Turkiga ka helayo Somaliland,si ay ugu khasabto Turkiga in dibloomaasiyada ay ka shaqayso labada dhinacba.Hargeisa waa in ay ka faa’iidaysato awoodeeda.

WQ Axmed Adan