Odoroska Aadamiga wuu ku kala fiican yahay.

WQ Saleebaan Xuquuq
Aan isku dayo in aan idinla wadaago, 20 sano kadib 2042 sida uu noqon doono Dalka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ka sii jiridoona dawlado magac u yaal ah oo aan dalka  gacanta ku wada haynin, nabadgalyo la’aantana aan waxba ka qaban karin, shaqo la’aanta, waxbarsho xumo iyo faqriga, ayaa si xoogan ugu sii baahi doona wadanka, arimahaasi isbiirsanaya ayaa keeni doona kor u kaca dhalinta ku biirta  kooxaha xagjirka ah kuwaasi oo amaan darada qayb ka ah.

Sababaha Soomaaliya aanay u heli doonin dawlad xoog leh wsxa ka mid ah dadka wadankaasi ayaanba danahooda ka dhex arki dooiin dawlad xoog ah. Waxana baahiyahooda ka turjumaysa dawladaha magac u yaalka ah, oo aan cashuur hagaagsan ka qaadi karin ganacasigoodana fatigalinaynin, sidaasi si la mid ah dawladaha bilaa aeooda ah waxa dookhoodu yahay oo jecel wadamo shisheeye oo dano ka leh Soomaaliya.

Tusaale kale oo aad ku fahmi karto in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid is dabotaal oo marba marka ka danbaysa ay ka sii darayso. Sow ma ogid in Soomaaliya 30kii sano ee ugu danbeeyay kaalinta 1aad in ay tahay wadanka ugu muduqmaasuqa badan dunida oo dhan.

Taas macnaheedu waa gaal iyo Muslim Ruuxa Soomaaliga ahi waa kan ugu musuqa badan.

Nasiibdaro dunida kuu hartay ma jirto, ogow Soomaaligu in uu yahay ruuxa kali ah ee la hubo isagoo nool in uu cadaabta gali doono sababtoo ah Musuqmaasuqu jano ma galo.

Hadeer waad i soo fahmaysaa baan filayaa, bulshada dunida ugu musuqa badan waxa la isku raacsan yahay in 100ka sano ee soo socda wadankooda wax ka sii dhaca mooyee aanay waxba u soo kordhi doonin.

Dhinaca kale, waxa sii socon doonta farogalinta wadamada dariska iyo kuwa gobolka sababo la xidhiidha dhinaca amaanka awgii iyo dabcan tartanka  awoodaha dhaqaale ee dunida.

Waxa ay u badan tahay baahida dhinaca nabadgalyada gobolka iyo dunida awgeed in ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika sii joogaan Soomaaliya, haddii ay AMISOM ka baxdo dalka sanadaha fooda inagu soo haya waxa lagama maarmaan noqon doona in la keeno ciidamo Nabad Ilaalineed oo kaalinta amniga buuxiya. Wadamada Ethiopia iyo Kenya ayaa ay ka iman doonaan ciidamada qaarkood.

Somaliland ayaa iyada laftigeedu ciidamo gayn doonta Soomaaliya haddii mudadaadi ay noqoto Dal Madaxbanaan, waa sida ay u badan tahay.

Dhibaatada amnidarada oo dalka ka sii jiri doonta, abaaraha joogtada u soo noqnoqda iyo  caafimaad darada, ayaa galaafan doona jiilal badan oo dalka u soo kici lahaa.

Ifafaalahaasi waxa uu muuqanayaa marka aad si xogogaalnimo ah u taqaano wadciga bulshada Soomaaliya, jilayaasha siyaasada, hogaanka dhaqanka, kooxaha xagjirka ah oo xidhiidh la leh argagixisada caalamka oo si wayn ugu ilmo dhalay Soomaaliya, tartanka dhaqaalaha dunida iyo bogacada ay ku taal Soomaaliya.

Dalka Federaalka ah ee Soomaaliya waa dhulkii la odhan jiray Somaliland Italian oo u dhexeeya Bosaso ilaa xuduuudka Kenya  Kismaayo.