“Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada waa dhaqangal.” Xildh Raambo

Hargeysa-(Berberanews)-“Waxa ay ahayd Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inuu  jid isku mid ah u maro masuuliyiinta muddo dhaafay iyo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda. Haddii uu Guddoomiyuhu yidhaa qodobka aan la dhacsanahay ee aan taageersanahay siyaasiyan waan sii daynayaa, qodobka aanan la dhacsanayna waan la warwareegayaa, waxaanay ahayd  sida uu shalay ugu celiyey Madaxweynaha masuuliyiinta  muddo dhaafay inuu faafiyo Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda labada qodobba waa muddo-dhaaf.
Masuuliyiinta Madaxaweynuhu magacaabay ee  muddo-dhaafay ee goluhu celiyey, Madaxweynuhuna wuu aqbalay, dibna wuu u soo magacaabay, waxaannu Dastuurka xaddiday muddada Madaxweynuhu ku soo celin karo xeer uu Baarlamaanka ansixiyey, muddadaas oo ah 21 maalmood gudahood, sidaa darteed Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada waa dhaqangal.”
Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo qaar ka mid warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta.