Ambassador Tibor oo ka sheekeeyay qiso dhexmartay Marxuum Cigaal

USA-(Berberanews)-Telefishanada Maraykanka ayaa caawa laga daawaday Dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ka sheekaynaya Mohamed Ibrahim Egal, Madaxwaynihii hore ee Somaliland IHN.

Ambassador Tibor Nagy oo ahaa Kaaliyihii Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka u Qaabilsanaa Africa oo xaalada Somaliland uu ka waraystay TV ku yaal gobolka Taxes magaalada Houston, ayaa waraysigiisii ku yidhi

“2000 anigoo ahaa Safiirka Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa waxa dhawr jeer aanu kulanay Madaxwaynihii xiligaas ee Somaliland President Egal, waxa uu aad uga niyad jabsanaa siyaasada Maraykanku kula dhaqmo Somaliland, waxa uu Egal i waydiiyay maxay tahay sababta Maraykanku uu go’doonka noo galinayaa?.

Waxan ugu jawaabay ayuu Safiirku yidhi Egal.

“Sababtu waxa weeyi idinka dalkiina dhibaato kama jirto xadkiina wadamada darisku dhib kuma qabaan, argagixiso wadankaaga ma joogto” kadib Egal ayaa si cadho le iigu jawaabay oo ma argagixisada,  amaandarada iyo dilka uunbuu la macaamilaa Maraykanku imika?.

Waxa qoray Saleban Xuquuq