Khasaaraha dagaal dhuusamareeb ku dhexmaray laba ciidan oo dowladda ka tirsan

DHUUSAMAREEB-(Berberanews)-Qof rayid ah ayaa ku dhintay, saddex ka tirsan ciidamada Gorgor waa ku dhaawacmeen kadib markii dagaal u dhaxeya ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor uu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo kala dhaxgalay dhinacyada dagaallamy, waxaana deggan xaaladda Dhuusamareeb saacadihii ugu dambeeyay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u sheegay in is-fahan darro Ciidmada soo kala dhaxgalay uu sababay Isku dhaca hubeysan.

Dagaalka u dhaxeya ciidamada Booliska iyo kuwa Gorgor ayaa yimid kadib howlgal ciidamada booliska ay ka wadeen magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga gol lahaa la dagallanka maandooriyaha.

Ciidamada Gorgor ayaa sida ay wararku shegayaan kahor yimid howlgalka ciidamada booliska ay wadeen, sidaana uu ku bilaabmay iskudhaca labada ciidan.
,
Waxaa xidhmay goobaha ganacsiga, iyada oo sidoo kalena uu hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gadiidka intii ay socotay xiisadda gacan ka hadalka aheyd.