Somaliland iyo Maanta

Cidda khilaafka siyaasiga ahi ka dhexeeyo waa;
■ Doorasho-diid iyo Ururro-doon oo walaalo ah.
■Ururro-diid iyo Doorasho-doon oo walaalo ah.
■Doorasho-doon iyo Ururro-doon oo ilmo-adeer ah.
■ Somaliland-doon iyo dimuqraadiyad-doon oo  Ilmo-abti ah.
● Diide-doone iyo Doone-diide oo isku mafrash ah!

FASIRAADDA KOOXAHAN ISKU LIDKA AH;
*****************************
+Doorasho-diid iyo Ururro-doon waa qolo doonaysa in ururrada la furo, si ay dib ugu dhacdo doorashada Madaxtooyada, kadibna muddo-kordhin loo sameeyo.
+Ururro-diid iyo Doorasho-doon waa qolo Ururrada diiddan, balse doonaysa in waqtigeeda lagu qabto doorashada Madaxtooyada.
+Doorasho-doon iyo Ururro-doon waa koox in doorashada xilligeeda la qabto oo aan maalin lagu darin iyo ururradana la furo oo aan xisbiyada hadda jira maalin loo kordhin.
+Somaliland-doon iyo dimuqraadiyad-doon waa koox aaminsan in furista ururrada siyaasaddu halis ku yihiin amniga iyo jiritaanka Somaliland, iyadoo lagu cibro-qaadanayo wixii innaga soo qabsaday tartankii ururrada ee 2012kii. Waxa kaloo ay doonayaan in wax laga beddelo sida ay hadda u dhisan yihiin xisbiyada qaranku, lagana dhigo xisbiyo qaran oo dhexdooda si dimuqraaddi ah looga tartami karo.
+Qolada u dambaysa ee doone-diide iyo doone-diide waa qaar aan ujeeddo lahayn oo daba socod ah, waxayna kolba buuqa la xoojiyaan kolba halka hugunku maalintaas u badan yahay.
Haddaba bal adiguna isqiimee oo kooxdee ayaad tahay, kooxdee ayaase xilligan u dan ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland?

WQ Maxamed Cirro