Faysal waa musharax u taagan tartanka Doorashada Madaxtooyada November 2022. Wuu og yahay dabinka u qoolan iyo jarta lala maagan yahay in Muuse Biixi oo Madaxwayne ah isagana ay ka go’an tahay in doorasho ay Faysal iyo Cabdiraxmaan Cirro ka qaybgalaan aanay dalka ka dhicin inta uu Madaxwayne ka yahay. Wuxu isku dayayaa in inta aan doorashoba la gaadhin uu ku dul dumiyo labadooda xisbi hadii ay u suurogeli karto.
Sida aynu og nahay doorashadu waxay mudaysan tahay 13ka bisha November 2022 oo ay dhaqangal yihiin shahaadadaha sadexdan xisbi qaran waxanay burayaan ka dib marka laga baxo doorashada 26 December 2022, markaa oo sharci ahaan ay tahay in la qabto doorasho ay kula tartamaan ururo siyaasadeed oo natiijadeeda ay ku soo baxaan sadex xisbi.
Markaa ayay sax tahay xisbigii difaacan kari waaya kaalintiisa xisbinimo in sharcigu dibadda dhigo. Wixii aan intaa ahayniba waa xaalad abuur sharci darro ah oo aan runtii loo baahanayn