Qarannimada Somaliland ayaa ka sarraysa maslaxadda shaqsiga iyo ta reernimo

Waxaynu sharafta iyo haybadda ku leenahay waa qarannimada Somaliland, dhaliisha iyo tabashadu waligeedba way jirtay, wayna jiraysaa inta la nool yahay, laakiin qarannimadu waa calanka, ciidanka, dawladnimada, sharciga, nabadda iyo wadajirka ummadda reer Somaliland.

Ninka aqoonta gaaban ee aanay u muuqanayn waxa aynu maanta haysanno u malayn maayo inuu horumar inoo samayn karo. Qofku waa in uu waaqici noqdaa oo ku xisaabtamaa halka uu shalay joogay iyo halkuu maanta marayo dalku.

Wixii qabyo ah ama dhaliil ah waxaynu ku sixi karnaa innaga oo isku dhan oo ku wada socona maslaxadda guud ee dalkeenna, innaga oo aan qabyaaladda mid kursi ku fadhiya ku difaacayn, mid kursiga ku soo socdana aan qabiil ku taageerayn.

Qabyaaladdu waa qaran dumis, waxayna ka soo horjeeddaa guud ahaan horumarka bulshada oo idil sida waxbarashadda, nabadgelyada, caddaaladda , midnimada, sinaanta, iyo  daryeelka dawladnimo, sidaa darteed waxa habboon in qabyaaladda laga fogaado, isla markaana  la badiyo wacygelinta dadweyna looga digayo xumaanta ay leedahay qabyaaladdu, marka waxa cad shakina aannu ku jirin in cudurka qaybyaaladdu uu  burburiyo qarannimada, waxay qabyaaladdu xoojisaa xaasidnimada, jahilnimada, islaweynida, nacaybka.

Dadka reer Somaliland waxay soo mareen waqtiyo badan oo adag, xasuuq, dil, burbur iyo dawladnimadoodii 1960kii oo god ku dhacday iyo dib u xorayn ku kacday boqollaal kun oo qof dhiiggoodii, waxayse kaga gudbeen dhibtaas iyo  xasuuqaas midnimo iyo wadajir.

Maanta oo ay haystaan dalkoodii, dawladnimadoodii, calankii qaranimadii, ciidankii, dekadihii, madaarradii in ay is khilaafaan oo qabyaalad lagu mashquulo waa nacasnimo.

Waa sax in wax la dhaliilo waliba dawladda xilka haysa, laakiin waa in nidaamka lagu saxaa oo aan af qabiil lagu saxin, sidoo kalena waa in xukuumadda lagu difaacaa nidaam dawladeed oo aan qabiil lagu difaacin. Aniga waxa ii muuqada haddii la ilaaliyo dawladnimada Somaliland 20ka sanno ee soo socda in wax badan inoo qabsoomayaan, yaan waxba shaqsiga lagu mashquulin.

Cabdirisaaq Cali Kildhi, Hargeysa, Somaliland.