SABABTA AY TAHAY INAAD KA TAXADARTO OO AANAD SAWIRKAAGA KU UPLOAD GAREEN APPLICATIONS KAN FREE GA AH SIDA PHOTOLAB, PIXELIA, PHOTOMONTAGES, IYO KUWA KALE EE MUDOOYINKAN DAMBE SOOMAALIDU KU WAALATAY
—————————–
Hadalkoo kooban dhib mooyee dheefi kuuguma jirto apps kaa aad sawiradaada gelinayso. Markaa ka deyso sawiradaada. Faahfaahin cidii rabtaa qoraalkan hoose akhrido
—————————-
Intaanan gudo gelin khatarta ay leedahay inaad sawirkaaga siiso kambaniyadaa aan sare ku xusay, waxaan rabaa dhowr sadar oo hordhac ah inaan ka horaysiiyo.
Qofba waxbaa ku cidhiidhi ahe waxan dad badan kala simanahay oo aad iigu yar wakhtiga oo waa kasta oo berya waxa ii yaal hawl u baahan wakhtigaan haysto mid ka badan. Iyadoo taasi jirto ayaa hadana la arkaa inaan maalintii dhawr jeer FB qoraal soo dhigo.
Waxa xusid mudan in markaan FB wax idinkula wadaagayo, waxan idinla wadaagayo ee wax idinka siinayaa ay tahay wixii qudha ee aanan hayn oo ah “wakhti.” Sidaa darteed, post kasta oo aan soo dhigaa waa muhiim, oo waxan soo dhigaa waxaan u arko in bulshada Soomaaliyeed ay u baahantay inay ogaato oo in badan oo kamid ahi aanay ku baraarugsanayn.
Anoo og inaan Soomaalidu wax akhriyin, ayaan hadana ka fursan waayaa inaan qoraal soo dhigo. Sababtoo ah, qofkasta Soomaali ah oo wax u bilaabanyihiin markuu ayaan darrada bulshadeena haysata iyo jahliga ina hadheeyey uu qiimeeyo laba midkood ayaa la gudboonaanaya: (1) inuu Soomaali ka baxo oo aanu dib u sheegan, iyo (2) inuu wakhti ku bixiyo sidii uu bulshadan war-maqabtada ah u baraarujin lahaa.
Ta dambe ayaa labada macquulsan, waana sababta dad kooban oo aan aaminsanay inaan ka mid ahay ay uga hadlaan wax ka duwan waxa bulshada Soomaaliyeed inteeda badani ka hadlayso ama xiisaynayso. Dadka noocaas ah ee waxyaalaha unpopular ka ah ka faalooda ujeedkoodu maaha attention raadis iyo inay Like helaan ama caan noqdaan. Haddii ujeedkaygu yahay inaan caan noqdo, beri horaan noqon lahaa, waanay ii fududay inaan noqdo. Laakiin doonistaa ayaan igelin oo tayda ta guudbaan ka jecelahay, waana sabab labaad oo post kasta oo aan soo dhigo aad garato inuu muhiim yahay. Waxba kaama rabo ee waxbaan kula rabaa.
Kasoo gudub. Qorista iyo samaynta software-rada iyo Applications-ku waxay kamid tahay xirfadaha aan shakhsi ahaan leeyahay, dadka aanu iska ag dhownahay iyo kuwaan software da u sameeyey na way ogyihiin oo 8 sano ka hor software development ku waxyaalaha aan qabto ayay ka mid ahayd. Xoogaaga aqoonta ah ee aan software development-ka iyo network security-ga u leeyahay awgeed:
1- Waxan ogay adna aad ogaataa inaanu jirin software ama application iska free ah oo inta ujeedo daro loo sameeyo bilaash laga dhigo si dadku isaga isticmaalaan. Waa wax aan hawl yarayn oo wakhti badan iyo hawl badani ku baxdo samaynta software ama application macno leh oo hirgal ah ama sophisticated u ah sida kuwa aan sare kusoo sheegay ee markaad sawiradiina gelisaan cartoon ka u bedelaya.
Lacag iyo wakhtibaa ku baxaya in la sameeyo software/app ka, lacag iyo wakhti baa ku baxaya in online lasoo geliyo oo storage ka iyo hosting ku waa fee joogta ah, lacag iyo hawl baa ku baxaysa in users ka la support gareeyo oo wixii bugs ah ee ay report gareeyaan inta la fix gareeyo app kii la udate gareeyo. Muhiimadu waxay tahay majiro kambani ama qof waxaas oo hawl iyo kharash ah ku bixinaya waxaan waxba kasoo gelayn oo aan dani ugu jirin. Inaanad lacag bixin oo aad free ku isticmaasho macnaheedu maaha waa free.
Facebook ba lacag kaama qaado hadana market cap kiisu waa One Trillion Dollar (USD 1,000,000,000,000). Hal trillion wax yar maaha, koob iyo soddon kun oo sano oo aan hal ilbidhiqsi la nasan (31,709 years) ayay qaadanaysaa in inta kow laga bilaabo tirada hal trillion la gaadhsiiyo; waxay 23 jeer ka badantay intii ilbidhiqsi ee Nebi Muxammad mootanaa. Market cap ka intaa le’eg ayuu facebook leeyahay hadana lacag kaama qaado. Markaa waxkasta oo bilaash ahi bilaash maaha.
Qoraalka ayaa dheeraadaye applications kan aad sawiradaada gelinayso ee free ga ahi waxay isugu jiraan:
A- Kuwo xogtaada lagu urursanayo oo ay leeyihiin laamaha sirdoonka sida FBI, CIA, Mossad, MI5 iyo kuwa lamidka ahi. Waad xasuusataa ayaan filayaa application kii aadaanka ee malaayiinka Islaamka ahi soo dejisteen kadibna lasoo ogaaday in FBI du lahayd oo uu ahaa hacking tool ay xogta ku urursato dadkana ku basaasto
B- Kuwo ay leeyihiin kambaniyo facial recognition technology-ga ka ganacsada ama raba inay ka ganacsadaan ama kuwo kuwaa raba inay kasii iibshaan;
C- Kuwo app monitorization lacag ku helaya oo markaad soo dejisato xayaysiis (ads) khasab ah marba ku tusaya oo sidaa lacagta ku helaya;
D- Kuwo nooca consumer ka aad tahay iyo xog ku aadan preferences kaaga urursanaya iyo kuwo hackers leeyihiin oo xogtaada xadaya.
E- Xataa hadaanad app ka soo download garaysan, marna safe ma tihid waayo markay u yartay waadigan sawirkaagii oo cartoon laga dhigay ama timo looyeelay soo dejisanaya. Sawirku wuxu kamid yahay file sha virus-ka lagu embed garayn karo – dadka Linux ka isticmaalaa iyo kuwa security ga aqoonta u lihi way garanayaan sida secret payload sawir loogu qariyo, qaarkiin maqal terms ka sida Steganography, Booby-trapping, iyo methodska noocaas ah.
Calaa ayi xaal, marna dani kuuguma jirto, ee sawiradaa iyo xogtaada ka daaso oo adigu gacantaada haysku birayn.
ADHI LA KORDHEBEY, ADHI LA HOOS DHEBEY, ADHI LAGU REEB.
WQ Muhammad Ali