Farmaajo oo xidhiidhka Itoobiya dartii u diiday kaalmo uga iman lahayd Masar

Muqdisho -(Berberanews)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dawladda taagta daran ee Soomaaliya Mr Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in maamulka Farmaajo diiday deeq daawo ah oo uga iman lahayd dalka Masar, sababo la xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya awgii.

Wasiirkii hore oo wareysi siiyay TV-ga BS TV, ayaa sheegay in Villa Somalia ay ka codsatay Masar in ay joojiso diyaarad nooceedu yahay C-130 oo ay u soo diri lahayd Soomaaliya si ay u soo daabusho gargaar caafimaad oo ay ugu deeqday Jaamacadda Carabta.

Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo, ayaa waxa dawladdiisa uu khilaaf xooggan ka dhexeeyaa dalka Masar, khilaafkaas oo ku saabsan dhismaha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ka dhiseyso webiga Niilka Buluugga ah.
Mr Maxamed Cabdirisaaq waxa kaloo uu caddeeyey in maamulka Farmaajo oo u xaglinaya Itoobiya uu diiday in ciidammo Soomaaliya lagu tababaro Masar iyo in Qaahira laga siin waayo Muqdisho dhul ay ka dhisato safaarad cusub.
Mar uu ka hadlayey sababtii xilka wasiirnimo looga qaaday, wuxuu sheegay inay la xidhiidhay mowqifkiisa dhexdhexaadnimada ahaa ee uu ka qaatay dagaalka u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo TPLF.