Hargeysa: Xaflad Meher oo isku beddeshay geeri naxdin leh

Gabadh dhallinyaro ah oo geeriyootay saacad ka hor xafladdii meherkeeda

Hargeysa  -(Berberanews)-Allaah ha u naxariistee Faadumo Cismaan Aadan oo ahayd gabadh dhallinyaro ah, ayaa geeriyootay saacad iyo badh ka hor waqtigii loo ballansanaa xafladda meherkeeda oo ka dhici lahayd caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa saaka oo Sabti ahayd.
Marxuumadda oo la doonayey in loo meheriyo Khaalid Maxamed Maxamuud oo ka yimi dalka Maraykanka, ayaa cusbitaal ku yaal magaalada Hargeysa ku geeriyootay sacado yar ka  hor waqtigii loo  ballansanaa in xafladda meherkeedu dhacdo.
Marxuumad Faadumo waxa ku soo booday xannuunka faalligga galinkii dambe ee Jimcihii shalay, kadibna waxa la dhigay Cusbitaalka International Hospital oo ku yaal caasimadda Hargeysa.

Qoraa Axmed Karaama oo ay Faadumo jaar  ku ahaayeen xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa muddo 15 sanno ah, ayaa boggiisa Facebook ku qoray, in isaga oo dalka ka maqan ay marxuumaddu ka codsatay in aannu ka maqnaan farxadda guurkeeda murugada isku beddelay.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayey igu odhan jirtey ii soo dhaqso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxa si lama filaan ah ugu soo booday Faallig,” ayuu yidhi Karaama.

“Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan Wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga.”

Geerida Faadumo ayaa gilgishay baraha bulshada, dadka oo dhan ayaana ka sheekaysanaya warka farxadda murugada isku beddeshay, qof kasta oo yaqaanay ama maqlay sheekadeedana waxay ku abuurtay dareen dhiillo iyo murugo leh.

Allaah ha u naxariistee Faadumo Cismaan Aadan, waxay ahayd umuliso caafimaad oo ka howl gasha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasi oo ay ka hawlgalaysay lixdii dii bilood ee u dambeeyey.

Xirfadda umulisonimada ayey ka baratay machadka  caafimaadka Shaafi College oo ku yaal magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo ay magaalada Hargeysa ku lahayd meherad koofeer ah (cilaan saar), sida ay warbaahinta u sheegtay Sagal Maxamuud Daahir oo ay saaxiib dhow ahaayeen marxuumadda.

10, July, 2021 ayey ahayd markii sidan oo kale ay baraha bulshada u qabsatay geerida dhiilada leh ee Axmed Dheeg Cismaan oo shil baabuur ku geeriyooday kadib xafladdii maherkiisa magaalada Harta-sheekha ee Itoobiya, sida si la mid ahna Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiya Cali Cumar, oo ahaa aroos cusub, ayaa aad looga naxay kadib markii ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay hoteelka Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, caasimadda dalka Soomaaliya, 31, January, 2021.