I Tus oo i Taabsii: Wixii Qabsoomay iyo Wixii Qabyo ah

Xukuumadda KULMIYE waxay bilawday baahinta waxyaabaha u qabsoomay oo si muqaal ah loo soo bandhigayo, waana barnaamijyo sannadkan 2022 oo dhan soconaya oo loogu talogalay in toddobaadkii ugu yaraan laba jeer bulshada loo soo bandhigo. Mucaaridkana waxa looga baahan inay iyaguna si muuqaal ah u soo bandhigaan waxyaabaha qabyada ah oo aan hadal-tiro iyo dhaliil guud ahayd, balse i tus oo i taabsii ah.
Xukuummadda KULMIYE waa in lagu bogaadiyo wixii u qabsoomay haba yaraatee, balse waa in si sax ah oo togan ay mucaaridka iyo muxaafidku iskula xisaabtamaan, taas ayaa faa’iido guud iyo waxtar u ah bulshada reer Somaliland.
Haddii Xukuumadda KULMIYE ina tustay koobka inta ay buuxisay ee la wada arki karayo, mucaaridkuna waa in si la wada arki ay u soo bandhigaan inta ka madhan koobka, kadibna ay soo raaciyaan sida ay intaas u  buuxin lahaayeen haddii la doorto. Bulshada waxa looga baahan yahay inay si caqligal ah oo ka madhan caaddifad iyo cid jeclaysi ay u qiimeeyaan waxqabadka Xukuumaddu soo bandhigto iyo qabyada ay mucaaridku soo gudbiyaan, kadibna ay codkooda ku kala saaraan mucaaridka iyo muxaafidka maalinta la gaadho 13 November 2022 ee loo dareero doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Insha Allaah.

Waxa qoray suxufi Maxamed  Cumar Cabdi (Cirro).