Madaxweynihii hore ee Mali oo geeriyooday

Mali-(Berberanews)-Madaxweynihii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku geeriyooday da’da 76 jir, sida ay sheegeen qoyskiisa.

“Madaxweyne IBK waxa uu ku dhintay saaka 09:00 GMT gurigiisa” oo ku yaala caasimadda Bamako, xubin qoyska ka tirsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, isagoo ku hadlaya magaca hoggaamiyihii hore, iyadoo xubno kale oo qoyska ka tirsan ay xaqiijiyeen geeridiisa.

Sababta dhimashada lama sheegin. Keita ayaa hogaaminayay dalka ku yaala Galbeedka Afrika 2013 ilaa 2020 ka dib markii xilka looga tuuray afgambi.

Isaga oo tusaale u ah dimoqraadiyadda Galbeedka Afrika markii uu ku ololeeyay sidii uu mideyn lahaa dalkiisa oo jabay, isaga oo ballan-qaaday in aan loo dulqaadan karin musuqmaasuqa. Waxa uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii 2013, waxaana dib loo doortay shan sano ka dib. Laakiin dib-u-habayn gaabis ah, dhaqaale burbur iyo adeegyadii dadweynaha iyo iskuullada oo hoos u dhacay, oo ay weheliso musuqmaasuqa dawladda, ayaa dabka kusii shiday naceybka Keita, taasoo dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo Bamako ka dhacay.

Saraakiisha militariga ee afgambiyey Keita ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah ka dib markii ay ka laabteen ballan qaadkii ahaa in doorasho dimuqraadi ah la qaban doono bisha February iyo in lagu kordhiyo xilliga kala guurka ee xukunka madaniga ah shan sano.

Iyadoo uu ka jawaabayo, ururka ugu weyn gobolka Galbeedka Afrika, ECOWAS, ayaa sheegay in ay xidhayaan xudduudaha Mali oo ay ku soo rogi doonaan cunaqabatayn dhaqaale oo ballaadhan.