Ciidammada Badda Ingiriiska oo loo xilsqaray xakamaynta muhaajiriinta

UK-(Berberanews)-Ciidanka badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa mas’uul ka noqon doona dadaallada lagu joojinayo doomaha sida muhaajiriinta iyo qaxootiga  ee imanaya xeebaha dalka ee sii maraya kanaalka Ingiriisiga iyada oo la raacayo qorsheyaal uu saxeexay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson, sida ay sheegtay warbaahinta UK.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu wadaa in ay hoggaanka howlgalka kala wareegto hay’adda ciidamada xuduudaha ee UK toddobaadyo gudahood, sida ay sheegeen dhowr ka mid ah warbaahinta Ingiriiska Isniintii.

Wasaaraddu waxay sheegtay in saraakiishu ay sahminayeen “wado kasta” si ay uga hortagaan gudbitaan kasta ka dib markii ay kordheen tirada dadka ee doonyaha kaga soo raacay Faransiiska ee soo galay Boqortooyada Ingiriiska sannadkii hore.

Qaar badan oo safarka ku soo baxa ayaa ku soo galay maraakiib aan ammaan ahayn, oo la buux dhaafiyay iyo xaalado halis ah, oo mararka qaar ay ka dhasheen cawaaqib dhimasho.

Bishii Novembar, ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan doontii ay la socdeen oo degtay, taasoo calaamad u ah musiibadii ugu darneyd ee la diiwaan geliyo muhaajiriin iyo qaxooti isku dayay inay ka gudbaan kanaalka UK oo ka yimid Faransiiska.

“Tirada aan la aqbali karin ee dadku waxay sii wadaan inay ka gudbaan marinnada halista ah ee kanaalka iyo dhimashadii naxdinta lahayd ee November waxay ina xasuusinaysaa sida adag ee baahida loofu qabo in la joojiyo,” afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku sheegay hadal uu u diray Al Jazeera.

Ugu yaraan 28,431 muhaajiriin iyo qaxooti ah ayaa gudbey 2021-kii, marka loo eego tirooyinka ay soo aruurisay BBC-da, taas oo in ka badan saddex laab ka badan tiradii sannadkii ka hor.