Khasaare baaxad leh oo ka dhashay dhul-gariir ka dhacay Afghanistan

Afghanistan-(Berberanews)-Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dhul gariir ku dhuftay galbeedka Afghanistan, sida ay sheegayaan saraakiishu.

Dhibanayaasha ayaa dhintay kadib markii saqafyada guryahoodu ay ku soo dumeen Isniintii degmada Qadis ee galbeedka gobolka Badghis, sida uu wakaaladaha wararka u sheegay afhayeenka gobolka Baz Mohammad Sarwary.


Dhulgariir oo cabirkiisa lagu sheegay 5.3, sida ay sheegtay hay’adda Sahanka dhulka ee Maraykanka.
“Shan haween ah iyo afar carruur ah ayaa ka mid ah 26 qof ee ku dhintay dhulgariirka,” ayuu yidhi Sarwary, isagoo intaas ku daray in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in gurmadkii ugu horeeyay ay gaadheen qaar ka mid ah meelaha ay roobabku ka da’een, balse waxa uu ka digay in tirada khasaaruhu ay sii kordhi karto maadaama gobolka Badghis oo xuduud la leh dalka Turkmenistan uu yahay gobol buuraley ah oo ka mid ah gobollada ugu saboolsanAfgaanistaan.

Dhulgariir labaad oo cabirkiisa lagu sheegay 4.9 ayaa ku dhuftay deegaanka labo saac kadib markii uu dhacay dhulgariirkii hore.

Mullah Janan Saeqe, oo ah madaxa Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, wuxuuna sheegay in in ka badan 700 oo guri ay waxyeelo soo gaadhay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhul gariirku uu khasaare u geystay dadka ku dhaqan degmada Muqr ee wilaayadaasi balse faah faahin ay ka mid yihiin khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed lama helin sida uu hadalka u dhigay.

Afgaanistaan ayaa waxaa ka taagan masiibo bini’aadantinimo, waxaana uga sii daray qabsashadii Taalibaan ee dalkaasi bishii Augost, markaasoo wadamada reer galbeedka ay hakiyeen gargaarkii caalamiga ahaa.

Qaadis ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta ba’an, iyadoo aan wax badan ka faa’ideysan gargaarka caalamiga ah 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Dalka waxaa inta badan ku dhufta dhulgariir, gaar ahaan buuraha Hindu Kush, oo u dhow meesha ay iska galaan Eurasia iyo Hindida.

Dhulgariirku wuxuu sababi karaa burbur weyn oo soo gaadha guryaha iyo dhismooyinka aan fiicnayn ee Afgaanistaan.
Sanadkii 2015, ku dhawaad ​​280 qof ayaa ku naf waayay dhulgariir xoog badan 7.5- oo ka dhacay xudduud, iyadoo Masiibadaas 12 gabdhood oo reer Afgaanistaan ​​ahi ku dhinteen isriix riix ka dib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan dhismihii dugsiga ee dhulgariirku ruxay



Berberanews.com
Info@berberanews.com