Maydka Haweenay British ah oo ku dhimatay Tsunamida Tonga

Tonga-(Berberanews)-Meydka haweeney British ah oo uu qaaday Tsunamida Tonga ayaa la helay, sida uu sheegay walaalkeed.

Nick Eleini ayaa u sheegay warbaahinta in qoysku ay “naxeen” ka dib markii Angela Glover ay geeriyootay iyadoo isku dayaysa inay badbaadiso eeygeeda.

Waa geeridii ugu horreysay ee la og yahay ee ka dhalata masiibada, oo ay sababtay markii foolkaanada biyaha hoostooda ay qarxeen, tsunamida jasiiradda Pacific-ga. Laakiin xaaladda isgaadhsiinta oo  xun ayaa, adkeyneysa in la ogaado baaxadda burburka.

Volcano Hunga Tonga-Hunga Haʻapai, oo kacday Sabtidii, ayaa qiyaastii 40 mayl (65km) waqooyi kaga beegan caasimadda Tonga ee Nuku’alofa, halkaasoo Angela iyo seygeeda James u ahayd gurigooda.

Sugitaanka warwar ka dib markii Tsunami ay goysay Tonga Isagoo ka hadlayay bannaanka guriga hooyadood ee Hove, Mr Eleini waxa uu sheegay in uu fahmay in Angela meydkeeda uu helay ninkeeda.

Angela oo ku dhalatay Brighton, oo 50 jir ah, waxay ku noolayd Tonga tan iyo markii ay guursatay James, ayuu yidhi, waxayna noqdeen “dadka deegaanka iyo kuwii horeba aad u jeclaadeen”.

“Angela iyo James waxay jeclaadeen noloshooda Tonga waxayna aad u jeclaayeen dadka Tonga, gaar ahaan, waxay jeclaadeen jacaylka Tonga ee qoyska iyo dhaqanka Tonga,” ayuu yidhi.

Mr Eleini waxa uu sheegay in walaashii ay ahayd “naag qurux badan”. “Angela waxay ahayd wadnaha qoyskayaga, waxay ahayd qalbiga shucuureed ee qoyskeena,” ayuu yidhi.

“Waan xiisi doonaa oo waan ka fikiri doonaa maalin kasta ilaa maalinta aan dhimanayo. Hooyaday hadda way niyad jabtay”.