W/Q : Garyaqaan Guuleed Dafac
Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda, Somaliland ayaa dhowaan go’aan ka gaadhay arrin dhalisay muran weyn oo siyaasadeed, taas oo ah in la furo furashada xisbiyada, iyadoo xisbiyada mucaaradka ee hadda jira ay u arkeen in aan waqtigeeda la gaadhin, halka xisbiga talada haya ee KULMIYE uu arrinkaas la dhacsan yahay.
Hadda maxay tahay arrintani, maxayse dadka qaar ugu arkaan shirqool siyaasadeed, kuwa kalena ugu arkaan khammaar siyaasadeed?
Taariikhda Xeerka:
Xeerka Nidaaminta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyey sannadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilow u ahaa hannaanka geeddi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hannaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin saddex. Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururrada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sannadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo KULMIYE.
Xeerka waxa wax-ka-beddel lagu sameeyey sannadkii 2011, kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Guddidu waxa ay ku talisay in urrurada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyey in tobankii sannadood ba hal mar la furo ururro cusub.
Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaannada sannadkii 2012, kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, KULMIYE iyo WADDANI.
Tobanka sannadood ee ruqsaddooda xisbinimo waxa ay ku egtahay dhammaadka sannadkan 2022.
Dib u dhaca ku yimi doorashadii golayaasha deegaanka oo ku beegnayd 2017 ayaa isbeddel ku keentay habkii tobanka sannadood ahaa ee lagu qaban lahaa tartanka urrurada/xisbiyada oo loo qorsheeyey in lagu beego doorashada golayaasha deegaannada ee markii hore u astaysnayd 2022. Golihii hore ee Wakiillada ayaa wax ka beddel kale ku sameeyey Xeer Lr. 14 sannadkii 2021. Wax ka beddelkaas oo noqday kii labaad, isla markaana ah ka khilaafku ka dhashay.
Khilaafka saddexda xisbi iyo halka ay kala taagan yihiin:
Wax ka beddelka uu Golaha Wakiiladdu sameeyey 2021 waxa uu u gudbiyey Golaha Guurtida oo ansixiyey. Kadib waxa loo gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland. Madaxwaynuhu waxa uu ku soo celiyey Golaha Wakiillada wax ka beddelkii bishii August 2021. Waxa muran ka dhashay in muddada madaxwaynuhu ku soo celiyay ay dhaaftay waqtigii sharciga ahaa oo dastuurku ku caddeeyey oo ah 21 maalmood gudahood iyo in aanay dhaafin oo soo celintu tahay mid u taal Golaha Wakiilladu inay ka doodaan.
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah dacwad tafsiir ah, iyaga oo ku dooday in xeerku dhaqangal yahay. Mucaaradku waxa ay ku doodeen in dacwadda xildhibaannadu ay tahay sharci-darro iyo isku day lagu doonayo in dib loogu riixo doorashada tartanka madaxwaynenimo ee qorshaysan November 2022.
Waxa halkaas ka bilaabmay muran isbarkan oo ku saabsan xilliga furista ururrada siyaasadda iyo xilliga ay tahay in la qabto doorashada madaxwayne. Murankaas oo ku dambeeyey Maxkamadda.
Go’aanka Maxkamadda
Maxkamadda waxa horyaallay laba dacwadood:
Dacwadda koowaad:
Dacwadda koowaad waxa 21/12/2021 u gudbiyey Maxkamadda xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo tiradoodu tahay 46 oo uu weheliyo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha, Siciid Mire Faarax (Giirre). Nuxurka doodda ay u gudbiyeen Maxkamaddu waxa uu ahaa inay tafsiirto qodobka dastuurka ee ku saabsan muddada uu madaxwaynuhu ku soo celin karo xeer baarlamaanku u gudbiyey.
Maxkamaddu waxa ay diidday arjigooda dacwad furasho oo waxa ay ku sababaysay in aan xildhibaannadu u soo gudbin dacwadda habraac sharci ah.
Dacwadda labaad:
Dacwadda labaad waxa Maxkamadda Sare u gudbiyey 24 muwaaddin oo ku dooday in Xeer Lr/14 ee wax ka beddelka lagu sameeyey 2011 uu yahay dhaqangal u oggol inay furan karaan ururro siyaasadeed sannadka 2022. Sidaa darteed, waxa ay Maxkamadda ka codsadeen inay u qaraariso in ay furan karaan ururro siyaasadeed.
Muwaaddiniinta dacwaddan gudbiyey waxa ay u badan yihiin siyaasiyiin caan ka ah Somaliland oo hore xilal uga soo qabtay iyo dad rayid ah.
Maxkamaddu waxa ay aqbashay dacwaddan oo waxa ay qaraarisay inay xaq u leeyihiin inay furtaan ururo siyaasadeed, iyada oo la raacayo Xeer Lr. 14 wax ka beddelkii lagu sameeyey 2011.
Maxkamaddu waxa ay ku kordhisay inay laashay in doorashada xisbiyada/urrurada siyaasadeed lagu galo doorashada golayaasha deegaanka. Waxa ay qaraarisay in doorashada xisbiyada/ururrada siyaasaddu ay noqoto doorasho toos ah oo ay qabanayso Guddida Doorashada. Taas oo macnaheedu yahay in dadku u kala codayn doonaan urrurada iyo xisbiyada tartamaya.
Waxa ay hadda uga dhigan tahay saddexda xisbi:
Saddexda xisbi ee Somaliland way soo dhoweeyeen go’aanka Maxkamadda Sare. Taas oo ka dhigan in ugu yaraan qayb ka mid ah muranka siyaasadeed ay xaaladdiisu degtay.
Haseyeshee, weli waxa aan si kama dambays ah go’aan looga gaadhin labada doorasho – doorashada urrurada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada – ta soo hormaraysa. Waa arrin keeni kara khilaaf cusub.
Maxaa xiga?
Sharci ahaan tallaabada xigtaa waa in Guddida Diiwaangelinta, Anshaxmarinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ay bilawdo geeddi-socodka u diyaargarowga diiwaangelinta ururro cusub oo ay ka mid tahay dejinta habraacyda iyo hagayaasha loo baahan yahay. Waxa ay sidoo kale caymi doontaa xilliga ay qabanayso araajida dadka codsanaya inay furtaan ururro cusub.
Xagga siyaasadda waxa ay u baahanaysaa is-faham iyo wadahadal dhexmara daneeyayaasha ay ka midka yihiin saddexda xisbi si loogu helo xal siyaasi is-waafajinta is-diidooyinka ku aaddan xilliga la qaban doono doorashooyinka labada ah iyo habka loogu diyaargaroobayo, iyada oo aan khilaaf iyo is-qabqabsi dhicin si aan hannaan socodku u noqon mid gaabis gala.