Somalia: Al-shabaab oo tabo cusub u beddelay weerarradooda

Muqdisho -(Berberanews)-Waqtiyadii ugu dambeeyey waxa soo kordhayey weerrarada ay fuliyaaan dadka isku soo rakiba jaakadaha laga soo buuxiyey walxaha qarxa ee fuliya weerrarada dagaallamayaasha Al-shabaab ka geystaan dalka Soomaaliya.

Waxa ugu dambeeyey weerar uu qof isqarxiyey ku qaaday afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mucallimuu, weerarkaas oo la doonayay in lagu khaarajiyo shalay.
Mucallimuu waxa weerarkaas ka soo gaadhay dhaawac loo dhigay cusbitaal ku yaal magaalada Muqdisho, ka hor intii aanay diyaarad gaar u qaadin dhinaca dalka Turkiga si loogu soo dabiibo gelinkii dambe ee maanta.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Maxaa Al-shabaab ku kellifay inay isticmaalaan taaktikadan cusub?

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa yaraaday gawaadhida laga soo buuxiyo walxaha qarxa ee lagu weerari jiray dhismeyaasha dawladda iyo hoteellada magaalada Muqdisho ee ay bartilmaameedsan jireen ururka Al-shabaab.

Khubadarada ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ayaa ku doodaya inay suurtogal tahay in Alshabaab ay dhowr arrimood ku dhalisay inay si wayn u adeegsadaan dadka ay ku soo xidhaan jaakadaha si ay weerraro u fuliyaan.

Haddaba, Xuseen Macalim, waa madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faallooda ee magaalada Muqdisho, ayaa sababta badashada weerrarada qofka isqarxinta ku tilmaamay: “Arrintan shaqsiyaadka la beegsanayo ee qofka isku soo xidhayo bambadanada waxay aheyd ta hadda ugu sahlan oo ay isleeyihiin waad ku dhaawici kartaan xubno muhiim ah oo dawladda ah iyo dad ay shacabku xannuun ka dareemaayaan haddii wax loo gaysto.”

Xuseen waxa uu intaasi ku daray in, “Al-shabaab dagaalkooda mar walba meesha ay ku xooggan yihiin ayey taktikadooda ku badiyaan oo marba tabtii u shaqaynaysa oo ay ka arkaan ducfiga xagga dowladda ayey xoogga saaraan.”

Maxaa beddelay taaktikadii hore ee Alshabaab?
Ciidammada dawladda ayaa sheegay inay middaasi ku timi deegaannadii ay Alshabaab weerraradaas ka soo abaabuli jireen oo weerraro lagu ekeeyeey, deegaanno muhiim ah oo laga saaray iyo buundooyin ay gawaadhida soo marsiin jireen oo la jaray, taasina waxay keentay in markasta oo Alshabaab ay masaafo ahaan laga fogeeyo caasimadda Muqdisho ay sii yaraadaan qaraxyada ay soo maleegaan.

Dhanka kale, waxa la xidhay waddooyin badan oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo ay soo mari jireen baabuurta qaraxa sidda, halka koontaroollo la dhigay waddooyinka laga soo galo magaalada, walow taas aanay gebi ahaanba horistaagin qarxayadii.

Haseyeeshee, dadka ku xeelka dheer arrimaha ammaanka ee gobolka ayaa sheegaya inay jiraan taktiikis badan oo ay isticmaalaan, sida miinooyinka dhulka ay galiyaan, kuwa booda oo waayadan dambe gawaadhida ku tuuran, bambooyinka gacanta laga tuuro, bistoolado dadka lagu khaarajiyo iyo gawaadhida qaraxa laga soo buuxiyo, hoteellada iyo goobaha dowladda oo ay galaan.

“Intaas oo tab ayey haystaan, oo marba midda lagu adkeeyo ma aha ee mid kale ayey u beddelaan, markaa waxaan isleeyahay kuwii kale ayaa u shaqayn waayey,” ayuu yidhi Xuseen Macallim.

“Baabuurta laga soo buuxiyo walxaha qarxa hawshoodu aad bay u fara badan tahay, laakiin qofka iyo jaakadda loo soo galinayo dad aad u yar iyo waqti kooban ayaa lagu sameeyaa, dabcan dad waxa jira u diyaarsan inay isdilaan, halka bambada diyaarinteeda aanay waqti badan qaadanayn. Halka qofka bartilmaameedka ahna ay waqti qaadato in la helo jadwalkiisa.

Qorshaha dadka jaakadaha wata:

Xuseen Macallin ayaa ku dooday inuu jiro liis ay Alshabaab ugu qoran yihiin dadka sare ee dowladda ku jira, iyadoo dhanka kale ay jiraan dad u qaabilsan Alshabaab in muddada ciidammadooda ay tababarka siinayaan inay soo xulaan, qoraan oo ay tababar gaar ah siiyaan dadka jaakadaha lagu rakibo ee isqarxiya.

“Tababarro ayey siiyaan oo qofka isqarxinaya qalbigiisa ayaa la jilciyaa, kaddibna howlgal ayaa loo diyaariyaa, oo waxaa suurtogal ah in meelo gaar ah lagu xanaaneeyo si aannu dad kale ula kulmin oo u dhexgelin,” ayuu yidhi Xuseen.

“Mar walba way jireen dad jaakado wata, laakiin xilliyada ayey kala duwaan oo markii ay ka arkaan inay il u furan tahay, ama jaakadaha ayey tiro ku filan u helaan, marna dadkii isqarxin lahaa ayey helaan… Marna way ku adkaataa oo dowladda ayaa xoog saarta ama wixii ay u baahnaayeen ayaa ka kala go’a.” ayuu yidhi Xuseen Macallim.

Taxadarka weerrarada noocan oo kale ah:

Khubarada ammaanka ayaa ku doodaya in hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay shaqadooda tahay inay bixiyaan talooyinka ku saabsan weerrarada isqarxinta ah ee lagu beegsado madaxda dowladda iyo shacabka guudba.

Laakiin si gaar ah waxa uu Xuseen Macallin oo hore u soo noqday lataliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka ayaa sheegaya in dadka isleh inay bartilmaameed noqon karaan inay iska ilaaliyaan dhowr arrimood.

“Inay iska ilaaliyaan jadwal deggan oo inta loo fiirsado qofka lagu ogaan karo xilliyada uu baxo iyo meelaha uu tagaba, in qofku haddii uu awoodo inuu samaysto gawaadhida aan xabbaddu karin ama ciidan isaga ka ilaaliya inuu qof ku soo ordo iyo wax la mid ah,” ayuu yidhi Xuseen Macallim.

Hase ahaatee, dadweynaha ayuu sheegay in intaas ka dayacan yihiin, balse ay tahay shaqada dowladda inay ilaaliso shacabka iyo madaxdaba.

“Alshabaab difaac kaliya kuma filna, balse qaabka kale ee looga hortagi karo ayaa in ah la wiiqo awoodooda iyo in ay dowladda ka shaqeyso sidii ay Alshabaab awood ugu waayi lahaayeen inay diyaariyaan dilalka noocaas ah.” ayuu yidhi Xuseen Macallim madaxa Mac-hadka Hiraal ee ammaanka ka faallooda ee magaalada Muqdisho.

Dadka caanka ah ee isqarxinta lagu badhtilmaameedsaday:

Sannadihii la soo dhaafay waxa waddanka Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo intooda badan loo adeegsaday gawaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Haseyeeshee, waxa jira kuwo ay fuliyeen dad isku soo rakibay jaakado laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo bartilmaameedsaday dad caan ah ama goobo ay dad badan ku sugnaayeen.

Waa kuwan qaar ka mid ah weerraradii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen dadka isku xidha jaakadaha laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo dadkii ku waxyeelloobayba.

Weerarkii lagu qaaday
Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Mucalimuu, ayaa ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gaadhigiisa maalintii Axaddii.

Mucalimuu ayaa daaweyn loogu qaadayaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Turkiga, sida uu xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ugu xaqiijiyay BBC.

Dhanka kale, raysal wasaare Rooble ayaa xalay cusbitaalka Digfeer ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo la sheegay in haatan ay xaaladdiisu soo hagaageyso.
Mr Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dhacay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Weriye Cabdicasii Afrika oo qarax lagu dilay:

20 November 2021, ayaa Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika isku qarxiyay qof isku soo raray walxaha, xilli fiidkii habeenkaasi uu watay gaadhigiisa.
Cabdicasiis Afrika oo ahaa weriye muddo dheer ka shaqaynayay Soomaaliya, ayaa sidoo kale ahaa madaxa raadiyaha dawladda ee Radio Muqdisho.

Wuxuu caan ku ahaa barnaamij la magacbaxay Gun-gaadh, kaas oo uu ku wareysan jiray xubnaha ka soo goosta Alshabaab ama ciidammadu hawlgal ku soo qabtaan, halkaas oo ay ku bixin jireen xogo xasaasi ah.

Masuuliyadda weerarka lagu dilay Allaah ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Afrika ayaa waxa sheegatay Alshabaab.

Sida lagu baahiyay warbaahinta ay maamulaan Al-Shabaab waxay muddo dheer ku raadjoogeen wariye Cabdicasiis.

Dhallinyaro lagu laayay qarax makhaayad Muqdisho ku taal:

27-kii bishii Nofembar 2020, ayey aheyd markii dhallinyaro ku qaxwaynaysay maqaayadda Gelato Devino Muqdisho uu qof jaakad walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay, iyadoo dadkii qaraxaasi ku dhintay maalintii xigtay lagu aasay xabaalaha cusbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaas waxa dadka ku dhintay u badanaayeen dhallinyaro qaarkood u shaqeynayay dowladda fedaraalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland oo qarax lagu dilay:
11-kii September 2020, ayey aheyd markii qof soo xidhay jaakad laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku qarxiyay guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland, Shaafi Raabbi Kaahin.

Shaafi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qaraxaasi lagula beegsaday magaalada Kismaayo, xilli uu Shaafi Raabbi ka soo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadda Jimcaha.

Waxa la soo tabiyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo kale, waxana xilligaas qaraxa iyo geerida Shaafi Raabbi ka tacsiyeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.