UAE-(Berberanews)-Imaaraatka Carabta ayaa ballan qaaday aargoosi ka dib markii weerar diyaaradeed oo ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen uu sababay qarax booyad shidaal oo saddex qof ku dilay Abu Dhabi.
Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee taageera dowladda Yemen ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dhowr jeer Sucuudiga la beegsaday weeraro xudduudda ka gudba.
Hase yeeshee weerarkii Isniintii waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu hoobto oo ka dhaca dhulkeeda oo ay qirtaan Imaaraadku, waxaana sheegatay fallaagada, oo sheegtay inay soo rideen gantaallada ballistic-ga, isla markaana ay u direen diyaarado hubaysan.
Laba qof oo u kala dhashay Hindiya iyo Pakistan oo u shaqaynayey shirkadda weyn ee saliidda ee ADNOC ayaa ku dhintay saddex booyadood oo shidaal ah ayaa ku qarxay meel u dhow goob lagu kaydiyo shiidaqlka, halka uu sidoo kale dab ka kacay dhisme ka socday garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi ee badhtamaha Imaaraadka Carabta.
“Baadhitaanno horudhac ah ayaa muujinaya in la ogaaday walxaha yar yar ee duulaya, lagana yaabo inay leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ku dhacay labada aag, lagana yaabo inay sababeen qaraxa iyo dabka,” ayuu booliisku ku yiri hadal ay soo saartay wakaaladda wararka ee WAM, isagoo intaas ku daray inay bilaabeen baadhitaan.
Dhanka kale, Yahya Saree, oo ah afhayeenka milateriga ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay “fulisay… howlgal millatari oo guul leh” oo ka dhan ah “goobaha iyo xarumaha muhiimka ah ee Emirate-ka Carabta” iyagoo isticmaalaya labada gantaal ee ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxa uu sidoo kale ku booriyay dadka rayidka ah iyo shirkadaha ajnabiga ah inay “ka fogaadaan xarumaha muhiimka ah” ee Imaaraadka si ay “amnigooda u badbaadsadaan”.
La-taliyaha madaxweynaha Imaaraatka Anwar Gargash ayaa cambaareeyay weerarka “arxandarrada ah”.
“Mas’uuliyiinta Imaaraadka… waxa ay la tacaalayaan… weerarkii foosha xumaa ee Xuutiyiinta ee lagu qaaday qaar ka mid ah xarumaha rayidka ee Abu Dhabi,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan ayaa sidoo kale ku tilmaamay weerarka mid “dambi aad u fool xun”.
“Waxaan cambaareyneynaa badh-tilmaameedka kooxda argagixisada Xuutiyiinta ee goobaha rayidka ah iyo xarumaha Imaaraadka Carabta maanta… beegsigan dembiga ahi ma noqon doono mid aan lagu ciqaabin,” ayuu ku yidh hadal uu soo saaray
Berberanews.com
Info@berberanews.com