Somaliland way jirtaa fursad in ay u bilaabmi karo xili cusub oo wax iska bedeli karaan aragtidii hore ee bulshada caalamka, gaar ahaan dunida reer galbeedka ee ku saabsanayd xalka khilaafka Somaliland iyo Somalia. Sodon sanadood mawqifka reer galbeedku wuxu ahaa Somaliland iyo Somalia ha ka wada hadlaan mustaqbalkooda. Maanta waxa laga doodayaa xaqa aayo ka tashiga Somaliland iyada oo dawladaha qaarkood ama badankoodu ay qirsan yihiin in Somaliland ay buuxisay dhamaan shuruudihii qarannimada (statehood), xaqna u leedahay in loo aqoonsado qaran madaxbanaan oo la mid quruumaha kale ee bulshada caalamka. Hadaba waxa mudan in la iswaydiiyo maxaa sababay isbedelka ka muuqda mawqifka dawladaha ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo U.K ee reer galbeedka?
Sida aan u arko waxa kow ka ah waxay ay dadka Somaliland iyagu qabsadeen 30kii sanadood ee ugu dambeeyay oo ay ugu mudan yihiin nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda, gaar ahaan doorashooyinka xorta ah ee aan ka jirin dal kale oo ka mid ah wadamada gobolkan Geeska Afrika kuwaas oo dhamaantood bulshada caalamku ay aqoonsan tahay.
Waa ta labaad eh sodon sanadood oo bulshada caalamku ay dhoodhoobaysay Somalia ayaa ku hungoobay dadaalkoodii oo noqday hal bacaad lagu lisay hadana aanu jirin wax isbedel ah oo ka soo muuqdaa. Markaa in Somalia quus laga joogo ayay u muuqataa.
Arinta kale ee sadexaad waa mid iyaga laftoodu ay danahooda ka dhex arkeen Somaliland, gaar ahaan marka aynu og nahay dagaalka jiyoo- siyaasi ah ee ay kula jiraan Ruushka iyo Shiinaha ee dhaqaale iyo amni oo gobolo badan oo aduunka ah la isku horfadhiyo kuwaas oo dhamaan qaradaha dunida ka jira bad iyo berriba.
Gaar ahaan waddamada Geeska ee Djibouti, Itoobiya, Calatariya iyo Somaliya oo marka laga reebo Calatariya sadexda kale Somaliland ay xad la wadaagto waxa kaga gacan sareeya dalka Shiinaha. Markaa dalka keliya ee dhaca koonfurta Khliijka Cadmeed kaabigana ku haya marinka Baabul Mandab ee muhiimka u ah ganacsiga iyo amniga guud ahaan dunidaba, gaar ahaanna Geeska Afrika ee weli Shiinaha aan u gacangelin ayaa ah Somaliland oo dhibaatada haysatay sodonkii sanadood ee ugu dambeeyay ay ahayd aqoonsi la’aan ka haystay dhinaca bulshada caalamka.
Markaa waa macquul in Maraykanka oo hadda ugu soo fadalo cadcad duwladaha reer galbeedku uu sanadkan soo dego Somaliland. Maraykanka oo lagu yaqaan in halkii uu dan ka leeyahay aanu cid kale u daba joogsanin waa suurogal in Dawladda Maraykanku ay dabada ka riixdo ictiraafka Somaliland iyada oo awoodna u leh in ay dhaqdhaqaajin karto wadamo badan oo kale iyo xataa Q.M.
Hadaba sida aan u arko Somaliland hadii aanay iyadu is-maaxdumin gaar ahaan xiligan ay sadexda doorasho kaabiga soo saareen oo ay halis u tahay in khilaaf siyaasadeed oo dib u celin kara hadii muran la geliyo qabsoomidda doorashooyinka oo saddxda doorasho iyadoo la isla ogol yahay midba wakhtigeeda la qabto markaa ha is-diidsiiyo kii is-diidsinayaa balse anigu waxan odhan ayaa Somaliland way jiidatay meel dambe oo laga soo qaban karaana lagama yaabo in ay jiri doonto, waayo waxa u bilaabmi doona marxalad cusub oo hor leh lagana fili karo in ay noqoto mid ka door roon tan maanta ay ku jirto hadii Allaha Awoodda lihi ogolaado.
Ugu dambaystii si looga midho dhalin karo fursadaha jira waxa muhiim ah adkaynta midnimada iyo wadajirka iyo weliba wax wada lahaanshaha Somaliland.
Safarka uu Madaxwayne Muuse ku tegay dalka Itoobiya in kasta oo aan ilaa hadda labada dhinac aanu midna war murtiyeed rasmi ah ka soo saarin kulamadii dhex maray labada dhinac hadana waxa jira dad saadaalinaya isbedel mawqifkii dhinaca Itoobiya ee ku wajahnaa Somaliland intii RW Abye Axmed marka laga eego meeqaanka soo dhawaynta ee uu Madaxwaynaha Somaliland uu markan kala kulmay Dawladda Federaalka Itoobiya. Iyadana waxan leeyahay ha beenaan.
CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND.