Waxaan daawaday Faysal oo meel ka hadlaya oo leh Reer koonfureedow xaal qaata, lama yaabin, waayo.
Anigu waxaan Hargeysa immi 1991kii Dhammaadkii May iyadoo uu markaa soo dhammaaday shirkii lagu go,aansaday la soo noqoshada xorriyadii aan 60kii Xamar geynay. Waxaa ka sii horeeyey shir Kii berbera ee beelaha somaliland ee dagaalada isaga soo hor jeeday xaashida cad ee nabadgelyada Saldhigga u ahayd lagu kala saxeexday.
Runtii dadku wuu kala soocmay dagaaladii awgood oo aad laysuma aaminin. Waxaan ka soo bilaabay borama oo aan reerka kaga imi. Hargeysa muddaan joogay, waxaan u gudbay berbera, burco ilaa aan octobar gaadhay buuhoodle iyo Laasnood. Dib aan ugu soo noqday hargeysa iyo borama bil aan Yeman ku maqnaa mooyaane sidii baan u joogay, hawl kasta oo ka mid ah dhismaha somalilandna uga qayb qaatay.
Xiligii aan joogay burco iyo hargeysa waxaa aad u xooganaa isaaqiisimkii lagu soo dagaal galay haybtana lama dhaafin jirin hebel waa duriyadda.
Waxaa sii muuqday haarihii dagaaladii Dawladii hore dalka laga saaray iyo raadadkii dagaalada beelaha SNM iyo kuwii kasoo hor jeeday oo dabcan beeshaydu ugu samayno badnayd. Haddana waan dhex joogay oo majaalista qaadkaan fadhiyey.
Sababtu waxay ahayd anigu wax godob ah maan lahayn, aabbahay iyo ehelkayna godob ma lahayn. Aniguna waxaan rumaysnaa inaan joogo dal aan leeyahay oo Somaliland la yidhaahdo.
Maalintaas Faysal oo ka dhashay beesha reer Sheekh Isaxaaq kuwooda ugu tunka weyn ee cumaamadda Guud u sitaa Hargeysa ma iman karayn, haduu yimaadana kuma dhex marayn xorriyadii aan aniga iyo rag kale oo reerkayaga ahi ku dhex maraynay hargeysa, burco iyo berbera.
Waxaan xusuustaa markii beesha dhexe gudahooda dagaalo ka dhaceen ee ciidamadii la kala soocday 1994kii in faysal ciidankii raaskooda markii la heshiiyey ka soo raacay Salaxley.
Waxaan xusuustaa iyadoo ay sidaan odayadii reerkoodu oo ay leeyihiin rag aan ka xusuusto X. Mahdi Buubaa iyo X. Cabdi wuxuu nala wadaa nabaddda.
Wuxuu nasiib u helay in xisbi aan shuruudaha buuxin laba jeer loo furay iyadoo weliba loo sadqeeyey rag halgan dheer u soo maray in Somaliland Dawlad noqoto.
Wuxuu nasiib u helay in uu kursiga ugu sareeya isu sharaxo, isagaa Faysal ah, calaashaan in lays wada saamaxay.
Wuxuu nasiib u yeeshay in iigu yeedho in aan ahay faqash la saamaxay oo aan u qalmin in uu helo xaqiisa siyaasadeed ee ah in lay doorto anna wax doorto.
Wuxuu nasiib u helay in uu madaxweyne ummadda karaamadeedii iyo sharafteedii xambaarsan uu si shaqsi ah golayaasha uga tebiyo cay qaranka laf jab ku ah.
Wuxuu nasiib u yeeshay in uu mugdi geliyo maanta jiritaanka qaranimada somaliland oo uu yidhaahdo Xamareey xaal qaado waa ku khaldanay xorriyadii aan la noqonaye , oo aan waxba laga qaban sharcigana la horgeyn karin.
Anigu ilaa May 1991kii ilaa maanta dalkayga in aan dhiso mooyee maalin hagar kamaan gelin, cumaamadaha la saarayna layma saarin, aad iyo aadna waxaan uga xumahay in uu noo quudho in uu hortayada ka yidhaa xorriyaddii aan la noqonay waa ku khasaarray oo xaal baan ka bixinayaa.
Yaa haddaba noo garqaadaya Guddoomiye Faysal?
Waxa qoray Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi, xildhibaan ka tirsanaa Golihii hore ee Wakiillada Somaliland.