Dalabaadka ruushka iyo Digniinta Maraykanka ee Xiisadda Ukraine

Geneva-(Berberanews)-Dublamaasiyiinta ugu saraysa Maraykanka iyo Ruushka ayaan wax horumar ah ka gaadhin wadahadaladii Ukraine Jimcihii laakiin waxa ay ku heshiiyeen in ay sii wada hadlaan si ay isugu dayaan in ay xaliyaan xiisada kicisay cabsida laga qabo isku dhac milatari.

Ka dib wadahadaladii Geneva, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ka digay “jawaab deg deg ah, oo daran” haddii Ruushku uu soo galo Ukraine ka dib markii uu ciidamo badan soo dhoobay xadka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Moscow ay wali sugayso jawaab qoraal ah oo ku aaddan dalabaadkeeda ku aaddan dammaanad qaadka ammaanka.

Laakiin labadooduba waxay sheegeen inay u furan yihiin wada-hadallo dheeraad ah, Blinken wuxuu arkay sababo uu ku rajaynayo in walaacyada amniga ee labada dhinac wax laga qabto.
“Iyada oo ku saleysan wada-hadalladii aan yeelannay — wadahadalladii ballaadhnaa – todobaadkii la soo dhaafay iyo maanta halkan Geneva waxaan filayaa inay jiraan sababo iyo dariiqo lagu xallinayo qaar ka mid ah walaacyada labada dhinac ee aan ka qabno amniga,” ayuu yidhi Blinken. ..

Wadahadallada ayuu ku tilmaamay kuwo si dhab ah loo fahmay, wuxuuna sheegay in Ruushka uu hadda wajahayo doorasho. “Waxay dooran kartaa dariiqa dublamaasiyadeed ee u horseedi kara nabad iyo amni, ama dariiqa u horseedi kara oo kaliya isku dhac, cawaaqib xumo iyo cambaarayn caalami ah,” Blinken ayaa u sheegay warfidiyeenka, isagoo intaa ku daray in dublamaasiyadda la door bidi doono.

“Waan caddaynay – haddii ay jiraan ciidamo Ruush ah oo ka soo tallaaba xadka Ukraine, taasi waa duullaan soo cusboonaaday. Waxaa lagala kulmi doonaa jawaab degdeg ah, oo daran iyo jawaab mideysan oo ka timaada Mareykanka iyo saaxiibadayada iyo xulafadayada.”

Lavrov waxa uu sheegay in kubbadu ay taalay barxadda Washington. Isagoo ku tilmaamay kulanka mid furan oo faa’iido leh, waxa uu sheegay in Moscow ay fahmi doonto in wada-hadallada ay ku socdaan wadadii saxda ahayd iyo in kale, marka ay hesho jawaab qoraal ah oo ku aaddan dalabaadkeeda amni ee ka imaanaya Mareykanka.

Dalabka Ruushka waxaa ka mid ah in NATO ay joojiso balaadhinta dhanka bari iyo in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto xulafada militariga reer galbeedka.

“Kuma sheegi karo haddii aan ku jirno waddo sax ah ama waddo khaldan. Waxaan fahmi doonaa tan marka aan helno jawaabta Mareykanka ee warqadda dhammaan qodobada ku jira soo jeedintayada,” Lavrov ayaa yidhi.

Berberanews.com
Info@berberanews.com