Ghana-(Berberanews)-Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen kadib markii gaadhi siday walxaha qarxa uu ku jiidhay mooto galbeedka Ghana.
Shilka waxaa ka dhashay qarax sababay dhimasho,dhaawac iyo burbur soo gaadhay boqolaal dhismo.
Shilkan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Appiate, oo u dhow magaalada macdanta laga qodo ee Bogoso, oo 300km (180 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda dalka Galbeedka Afrika ee Accra.
God weyn ayaa ka dhashay qaraxa kadib, kadib markii gaadh nooca xamuulka qaada ah oo marayay inta u dhaxeysa goobaha dahabka laga qodo ee gobolka qaniga ku ah ee macdanta uu ku dhacay mooto.
Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, balse madaxa dawladda hoose ee Prestea Huni-Valley ee uu qaraxu ka dhacay, Isaac Dsamani, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in saraakiishu ay ilaa hadda tiriyeen “ku dhawaad 17 meyd ah”.
Ugu yaraan 57 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaallada deegaanka, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka.
In ka badan 500 oo dhismo ayaa burburay, ayuu yidhi Seji Saji Amedonu, oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka..
Berberanews.com
Info@berberanews.com