Isbahaysiga Sucuudiga oo 10 qof ku dilay weerar ay ku qaadeen Xabsi ku yaal Yemen

Yemen-(Berberanews)-Tobaneeyo qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday xabsi ku yaalla waqooyiga Yemen, sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta iyo hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (Medecins Sans Frontieres, ama MSF) ayaa sheegay, ka dib markii habeenkii xalay ay duqeymo lagu hoobtay ka fuliyeen Yemen.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah ee ay ku hayaan waxa ay ku sheegeen badhtilmaameedyada militari ee lala xidhiidhinayo dhaq dhaqaaqa Xuutiyiinta, kadib markii Xuutiyiinta ay weerar aan hore loo arag ku qaadeen isniintii Xubin ka tirsan Isbaheysiga Imaaraatka Carabta iyo gantaalo kale oo ka soo gudbaya xuduuda iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn magaalooyinka Sucuudiga.

Muuqaalo ay Xuutiyiintu sii daayeen Jimcihii ayaa muujinayay shaqaalaha gurmadka oo meydad ka soo saaraya burburka, ka dib markii ay waaberigii weerareen xarunta ku meel gaadhka ah ee lagu hayo ee Sacda.

Taha al-Motawakel, oo ah wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Xuutiyiinta, oo maamusha waqooyiga dalka, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in 70 maxbuus lagu dilay xabsiga.

Waxa uu sheegay in tirada dhimashada la filayo inay korodho maadaama qaar badan oo dhaawac ah ay soo gaadgeen dhaawacyo halis ah.

Afhayeen u hadlay MSF ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen weerarka 138 kalena ay ku dhaawacmeen.

Berberanews.com
Info@berberanews.com