Mali oo aas qaran loogu sameeyay dimuqraadiyaddii Milaterigu Afgembiyay

Mali-(Berberanews)-Mali ayaa xaflad qaran u qabatay madaxweynihii hore ee dalkaasi Ibrahim Boubacar Keita, kaas oo xilka lagaga xayuubiyay afgambi dhacay 2020 oo todobaadkii hore geeriyooday.

Ra’iisul wasaaraha ku meel gaadhka ah ee Choguel Kokalla Maiga ayaa ka qayb galay xaflada Jimcihii ka dhacday xero ciidan oo ku taal caasimadda gobolka Saaxil ee Bamako, halkaas oo naxashka hoggaamiyihii hore lagu dejiyay calanka Mali.

Ehelada Keita ayaa sidoo kale ka soo qeyb galay xaflada. Ra’iisul wasaarihii hore ee Mali Moussa Mara, wasiirka arrimaha dibadda Guinea, iyo dublamaasiyiinta arrimaha dibadda ee Bamako ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa.

Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay hoyga madaxweynihii hore ee Bamako si ay ugu muujiyaan xushmad.
Keita, oo cod aqlabiyad ah loogu doortay 2013-kii, shan sano kaddibna ku guuleystay doorashada, ayaa Axaddii geeriyooday isagoo 76 jir ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com