Shaqada Sirdoonka laga rabo waxay ku xidhan tahay aragtida xukun ee la doonayo.

Haddii xukun kalitalis ah laga hadlayo awoodda, hantida, tamarta iyo waqtiga waxa la gelinayaa amniga kalitaliska. Sirdoonku wuxuu ka shaqaynayaa basaasidda, baacsiga iyo sumcad dilka mucaaradka, cabsi ku haynta kuwa daacadda u ah rajiimka, shirqool iyo khaarijin, shaki kala gelinta bulshada, jahwareerinta iyo jihaynta ra’yiga dadwaynaha si loo jeclaysiiyo rajiimka, loogana raarido in la’aantii dalku dumayo.

Haddiise xukunku dimoqoraadi yahay, Sirdoonku wuxuu qayb ka yahay ilaalinta iyo difaaca Amniga Qaranka oo ay ugu horrayso amniga muwaaddinka, jiritaanka hay’adaha dawladda, dhaqaalaha dalka, amniga tamarta, cuntada, bay’ada, tiknoolajiyadda, iwm. Xukuumadda ayaa dejisa, fulisana qorshaha amniga qaranka. Baarlamaanka ayaa leh korjeegtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha amniga. Sirdoonku wuxuu hoos yimaaddaa Wasaaradda ku shaqada leh ee madaxweyne ama Raysalwasaare midkoodna ma hoos tago.

Qoraalka taliyihii hore ee Nabadsugidda marna xukuumadda iyo Baarlamaan laguma soo hadal qaadin. Dawlad-goboleed warkeeda daa. Wuxuu sheegay in qorshaha Madaxweynaha lagu hagayey sirdoonka, in uu isagu rafiiq (wehel) u ahaa, halbeegga guushana welwelka iyo farxadda Madaxweynaha ayuu ka dhigay.
Wuxuu kaloo imtixaan uu kaligiis qaaday natiijo 100% siiyey shaqadiisa oo xataa gaabis, guuldarro ama tabar yari ma sheegin. Qoraalku wuxuu marag fur u yahay xantii ahayd in talada dalku ay labadooda ku koobnayd.

Waxa marag ma doonta in shantii sano ee la soo dhafaay awooddii iyo dadaalkii ugu badnaa ee Hay’adda NISA lagu bixiyey dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo ku duulka dawlad-goboleedyada (DG) ka aragtida duwan rajiimka Farmaajo, taasoo fursad wayn siisay in argagixisada Alshabaab (AS) ay cashuur iyo baad maalin cad shacabka ka gurtaan.

Waxay cashuur ka qaadaan meheradaha ganacsiga, dekedda, garoonka diyaaradaha, Suuqa Bakaaraha, dhulka la kala iibsado, NGOs. Shacabkii waxay naf bideen in kuwii qarxinayey garsoor u doontaan. Qabiilladii ayey u sameeyeen, waxay ugu yeedheen naqiib, kaasoo qabiilka wakiil uga ah Alshabaab. Maadaama ay si dadban Muqdisho u xukumaan, AS waxay qaraxyadii ku soo koobeen kuwo farriin ku kooban oo ah; weli waa jirnaa, khatarna waa ku nahay ciddii damacda in ay cashuurta ama baadda bixin weydo?

Maadaama uu Taliyihii hore caddeeyey in qorshaha NISA lagu hagayey uu Madaxweyne hore Farmaajo lahaa waxaa cad in uu isagu lahaa amarkii iyo qorshihii;

1- Itoobiya loogu dhiibay Qalbidhagax.
2- Weerarkii ay NISA ku qaadday xarunta Xisbiga Wadajir.
3- Weerarradii lagu qaaday huteelkii ay labada Madaxweyne iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaan deganaayeen.
4- Weerarkii Mukhtaar Rooble lagu soo afduubay
5- Shacabkii iyo madax kale oo iyagoo dibadbaxaya la weeraray.
6- Awooddii ciidan ee guddoomiyihii Baarlamaanka xilka looga tuuray, kii kalena lagu madiidiyey.
7- Wiilashii Soomaaliyeed ee lagu soo xero geliyey in Qatar loo qaadayo, kadibna dagaalka Tigreega lagu guray.
8- Dilkii Ikraan Tahliil iyo is hortaaggii caddaalad u raadinteeda.
9- Isku daygii Raysalwasaare Rooble lagu afganbi rabay.
10- Isku daygii Madaxweynaha Jubbaland lagu soo qafaalan rabay, iyadoo kumaandows dawlad kale la adeegsanayo.

Kalsooni darrada shacabku ay NISA ka qabaan waxay keentay in ay labada talis ee AS iyo NISA la kala garan waayo, halhayskii KALA MAAN oo ka tarjumaya guuxa jirana uu ahaa “shaki malaha inay laba Alshabaab wada shaqeeyaane.”

Maxaad ku falaysaa Guddoomiye degmo oo hadaf muuqda Alshabaab u ah, adigoo heli kara in aad ku shaqayso nabadsugid dharcad ah oo toos ugu xidhan taliye cid walba ka sarreeya, haystana awood iyo hanti aan la xisaabinayn.

Falsafadda waxa ka mid ah solipsism oo ah waxa adiga maskaxdaada ku jira ayaa xaqiiqa ah, cid kale waxba kaama khuseeyaan. Waxay la mid tahay in uu ruux ku doodo “Sannadkaas ayaa ah kii Soomaaliya ugu fiicnaa maxaa yeelay isaga keliya ayaa og sababta.”

Mar haddii wixii maskaxdaada ku jira oo keli ah sax yihiin waxaad ku dhacdaa in aad dadka kale caqligooda ku xadgudubto oo aan tidhaa,

“Dal aan 30 sanno ka hor tababari jirnay, soddonkii aan burbursanayn isagu dawlad ahaa, ayaa weli tababar noo soo doonanaya.”

Waxaad kaloo odhan kartaa

“Soomaaliya waxay leedahay Sirdoonka ugu fiican Afrika, oo ay wiil iyo hooyadii u wada shaqeeyaan, laakiin caasimadda ugu ammaanka xun ayaa xarun u ah.”

Waxaad kaloo dhihi kartaa;

“Soomaaliya waxay lahayd Madaxweyne waddani ah, ciidanka Afrika ugu xoogga badan iyo sirdoonka ugu khatarsan adduunka, haddana dalkii burbur way ka celin waayeen.” Waxay la mid tahay adigoo yidhi; “Ardayga ugu fiican waxbarashada iskuulka ayaan ahay, laakiin imtixaankii waan ku dhacay, sababtoo ah macallimiinta ayaa i neceb nooh” Soomaaliyana shirqool shisheeye ahaa dumiyey.

Koley qoraalku kama madhnayn dacaayad olole ee Farmaajo iyo ha la i xusuusto. Mar haddii adigoo dadka loogu hadalhaynta badan ka mid ah, lehna saamayn wayn, mar qudha burjigaagu jabo, aadna waydo cid warkaaga haysa, waxa kugu dhacaya cudur la yidhaa “Is waayid.” Waxaadna ku qasban tahay in aad isa soo muujiso oo aad hawshadii hore ku laabato.

Waxa qoray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah murrashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.