Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka hadlay dacwadda iyo xadhigga Coldoon

Hargeysa-(Berberanews)-“Abdilmalik Musa Coldoon, waa shaqsi si wayn ugu suntan caawinta dadka taagta daran, samafalka iyo wanaaga. Sannadihii u dambeeyey waxa uu ku hawllanaa arrimaha samafalka dadka danyarta ah ee Somaliland. Coldoon, waa qof runti haddii laga faa’ideyn laha dalka iyo dadkaba u fulin karayay mashaariic manfac leh, dhismayaal Masaajiddo, goobo waxbarasho, ceelal biyooddo, garoomo iyo waddooyinba.

Coldoon saaka ayaa Maxkamadda gobolku soo gabagabeysay sida la sheegay dacwaddii loo haystay. Qofku waa bashar, wuuna gefi kara, sharcigana waxa aynu u sameysanay in qofka qaldan uu qabto, ka qummanna uu quweeyo, garsooraha kiiskan gacanta ku haya Xasan Mataan oo aan shaqsiyan ku aqaano cibaado iyo camalsan  waxa aan u soo jeedinaya in uu Allaha abuuray iyo aakhiradiisaba xasuusnaado oo caddaalad waajafijo xukunkiisa. Waxa kale oo aan si sharaf iyo karaamo huwan uga codsanaya cid walba oo Coldoon haysata, dacwaddana ka qeyb ah iney cafiyaan kuna cafiyaan wanaaga iyo samaha badan ee uu bulshada Somaliland u sameeyey.

Coldoonna, waxa aan faraya in uu faraha ka qaado wax wal oo fidno abuuri kara. Waana inuu ilaaliyo xuquuqda dadka muslimka ah cirdigooda, caarkooda, cuudkooda, ciidooda, calankooda iyo caruurtooduba, waayo waa shay diintu ina fartay in la ilaaliyo, mana fiicna in mar walba farta lagu fiiqo wax fidno abuuri kara, kumana lihi wixii fasahaad wada ka aamus, laakin waa in si ballaadhan wax walba aad uga fekerto, oo dhinacyo badan wax ka eegtid.

Xukumadda, Xisbiyadda, Xildhibaanada golayaasha qaranka, ganacsatada iyo culimadda dalkana waxa aan odhan lahaa Coldoon waa qof hammi umaddeed huwan, waa Macallin, waa Mufeker, waa Maanso yahay, waana miskiin kal-kaal jecel horumarka ee inta la isku tago ha lagu jiheeyo arrimaha bulshada jeel lagu haya mar walba xal uma ahe. 3 sanno oo uu jeel ku jiro oo maskaxdiisa iyo muruqiisaba la curyaamiyo iyo soddon sanno oo uu samafalka bulshada ka shaqeeyo iyama u manfac badan isaga iyo innagaba? Coldoon ha sammeeyo Hay’ad samafal oo Magaceeda la yidhaahdo ” Caawiye Caldoon.”

Xildhibaan  Barkhad Jaamac Batuun .