London – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Barlamaanka dala Ingiriiska, ayaa sheegay in aan Jamhuuriyadda Somaliland maqaamkeedu ku xidhnayn dawladda Federaalka Soomaaliya in ay diidmo qayaxan ku yeelato qaddiyadda madaxbannaanideeda, isla markaana ay jiraan qodobbo taariikhi ah oo taageeraya aqoonsiga marka la eego xaaladaha kale ee dunida ka dhacay.
Wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo suxufi Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan bahda Wargeyska Dawan Media Group la yeeshay Xildhibaan Williamson shalay, wax uu ku sheegay inuu mustaqbalka dhow socdaal ku iman doono dalka Somaliland.
Su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:-
Xildhibaan Williamson oo la weydiiyey sida dooddii aqoonsiga Somaliland ee baarlamaanka UK ay ku timi, iyo taageeradii xildhibaannada kale ayaa yidhi; “Sharaf bay ii ahayd inaan soo booqdo Somaliland aniga oo ah Xoghayaha Difaaca ee Ingiriiska. Waxay ahayd booqashadii iigu horreysay ee Somaliland taas ahayd tii i dareensiisay qadiyadda goonni- isu taagga. Qurba-joogta reer Somaliland ee tirada badan ee UK awgeed, oo xubno badan oo ka tirsan Aqalka Baarlamaanka ay dad reer Somaliland ku nool yihiin deegaannadooda. Taas macnaheedu waxay noqotay in mawduuca xildhibaanno xisbiyada kala duwan dannaynayaan.
Kumannaan reer Somaliland ah ayaa ku nool UK iyo in badan oo dadka Ingiriiska ah oo taageersan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, kaalin noocee ah ayey ka qaadan karaan doodda aqoonsiga Somaliland ee la horgeynayo baarlamaanka Ingiriiska, oo la weydiiyey, waxa uu sheegay; “Inkasta oo helitaanka aqoonsigu, nasiib darro aanay ahayn mid fudud, oo la mid ah dacwad la gudbiyo, haddana waxaan rajaynayaa in doodda aannu todobaadkan qabannay ay tahay tallaabo loo qaaday dhinaca wacyi-gelinta qaddiyadda, keenaysana in fiiro gaar ah loo yeesho qaddiyadda Somaliland.
Mar la weydiiyey tallaabooyinka qurba-joogga Somaliland ee UK qaadi karaan si ay arrintan uga hadlaan iyo talooyinkiisa jaaliyadda UK iyo dawladda Ingiriiska ayuu Xildhibaan Williamson ku jawaabay; “Haddii xubnaha qurba-joogga Somaliland ee ku nool UK ay rabaan inay arrintan soo bandhigaan waxaan ku talin lahaa inay u qoraan xildhibaanka deegaankooda ka tirsan, kaasoo isna qaadi kara magacooda. Waxa aan aaminsanahay in la gaadhay waqtigii ay dawladda UK dib u eegi lahayd siyaasaddeeda ku wajahan Somaliland, isla markaana ay aqoonsan lahayd xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta, una qiri lahayd in Somaliland ay ku soo dhaqmayeen hanaan dimoqraadiyad ah muddo 30 sannadood ah.
Kaalmada Ingiriiska ee Somaliland waxa loo soo mariyaa Soomaaliya, ma jirtaa hannaan loo mari karo sidii UK taageerada Somaliland toos u siiyo, oo la weydiiyey ayuu yidhi; “Qodobaddii doodda lagu soo qaaday way ku jirtay sida Somaliland waqtigan ugu liidato helitaanka deeqaha caalamiga ah. Waxay ila tahay in arrintan lafteedu ay tahay dood adag oo lagu raadinayo aqoonsiga, waxaanan aaminsanahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Waaxda Ganacsiga Caalamigu ay eegaan hababka taageerada Ingiriisku toos ugu gaadhi lahayd Somaliland.
Markii Bangladesh ay ka go’day Pakistan, dowladda UK kuma xidhin aqbalaada Pakistan, waa maxay sababta UK iyo caalamku ugu xidhayaan ogolaansha Soomaaliya aqoonsiga Somaliland xaqa u leedahay oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay; “Runtii waxaan aaminsanahay inay jiraan qodobo taariikhi ah oo lagu aqoonsanayo madax-banaanida Somaliland marka la eego xaaladaha kale ee dunida ka jira, sida isbahaysigii Senegal iyo Gambia oo aan dhaawacmin dabayaaqadii 1980-aadkii. Sida ay xildhibaano badani ku doodeen todobaadkan, anigu ma qabo in Somaliland maqaamkeedu ku xidhan yahay Muqdisho ama in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay diidmo qayaxan ku yeelato madaxbannaanida Somaliland.
Mar la weydiiyey dareenkiisa taageeradii Shirka Golaha Wasiiradda iyo shacabka Hargeysa ee doodda baarlamaanka UK ka yeeshay ictiraafka Somaliland ayuu sheegay;
“Waxay ahayd wax aad u qurux badan in la arko heerka taageerada ay doodaasi ka heshay shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Somaliland iyo guud ahaan caalamkaba, waxa kaliya oo ay i dareensiisey in loo baahan yahay in si weyn loo ololeeyo oo la xoojiyo si arrintan loo gaadho.
Ma kuu qorsheysan tahay inaad Hargeysa soo booqato, oo aad bas ku safarto, sidaad dooddii Baarlamaanka ku sheegtay, oo la weydiiyey,
“Waa sharaf weyn inaan mar kale soo booqdo Somaliland oo aan bas ku dhex raaco Hargeysa, waxaanan aad ugu rajo weynahay in aan fursad u helo mustaqbalka dhow,” ayuu yidhi xildhibaan Gavin Williamson.