Maxkamadda Milateriga Myanmar oo dil toogasho ku xukuntay Phyo Zayar

Myanmar-(Berberanews)-Maxkamada militariga ee Myanmar ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xubin ka tirsan xisbiga la mabnuucay ee Aung San Suu Kyi, kadib markii lagu eedeeyay inuu galay dambiyo argagaxiso .

Dalka ku yaalla koonfurta bari ee Aasiya ayaa waxaa ku jiray fowdo tan iyo afgambigii February, iyadoo in ka badan 1,400 oo qof lagu dilay hawlgallo ka dhan ah mucaaradka, sida ay sheegtay koox maxalli ah oo la socota.

Shaqsiyaadka mucaaradka – oo ay ku jiraan xulafada Xisbiga Qaranka ee Dimuqraadiyadda Suu Kyi – ayaa galay xaalad dhuumasho, “Ciidanka Difaaca Dadka” ayaa ka dillaacay waddanka oo dhan.

Phyo Zayar Thaw, oo xubin ka ah NLD oo la xidhay bishii Novembar, ayaa lagu xukumay dil toogasho ah oo lagu helay dambiyo hoos yimaada falalka argagixisanimada, milatariga ayaa bayaan ku sheegay Jimcihii.

U ololeeyaha dimoqraadiyadda ee caanka ah Kyaw Min Yu – oo loo yaqaan “Jimmy” – ayaa isla xukun isku mid ah ka helay maxkamadda milatariga, bayaanku waxa uu intaa ku daray, isaga oo sita sawirrada labada nin.

Milateriga dalkaasi ayaa tobanaan qof oo ka mid ahaa dadkii afgambiga ka soo horjeeday ku xukumay dil toogasho ah, taasoo qayb ka ah dagaalladii ka dhanka ahaa mucaaradka balse Myanmar ayaan wax dil ah fulin tobannaan sano.

Phyo Zayar Thaw – oo magaciisa saxda ah uu yahay Maung Kyaw – ayaa lagu xidhay guri dabaq ah oo ku yaal xarunta ganacsiga ee Yangon ka dib “talo bixin iyo iskaashi ay ka heleen muwaadiniin hawl-kar ah”, sida laga soo xigtay militariga.

Xildhibaanka hore ayaa la sheegay in uu haystay labo bastoolad, rasaas iyo qori M-16 ah, sida la sheegay.

Waxaa lagu eedeeyay inuu abaabulay dhowr weerar oo lagu qaaday ciidamada nidaamka, oo ay ku jirto toogasho bahalnimo ah oo ka dhacday tareen rakaab ah oo marayay Yangon bishii Ogosto oo ay ku dhinteen shan boolis ah.

Berberanews.com
Info@berberanews.com