Pakistan: Masiibo Dhul go’ oo galaafatay nolosha 2 caruura iyo qoyskoodii

Pakistan-(Berberanews)-Laba carruur ah, oo da’doodu tahay saddex sano iyo laba bilood, ayaa ku dhintay dhul go’ ku dhuftay degmada Shangla ee Kyber Pakhtunkhwa Jimcihii, iyada oo ay la socdaan sagaal xubnood oo isku qoys ah oo lagu aasay burburku.

Saraakiisha ayaa sheegay in labada carruur ah ee dhintay ay ka mid ahaayeen lix qof oo laga soo saaray burburka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu baadi-goobayo saddexda qof ee hadhay qoyska.

Dhul go’a ayaa ka dhacay guriga Khurshif Khan oo ku yaala deegaanka Kuz Alpuri ee Shangla. Guriga ayaa dumay oo burburay, isagoo aasay dadkii deganaa, ayuu yidhi ku xigeenka guddoomiyaha Shangla Ziaur Rehman

Intaa waxaa dheer, dhul go’a ayaa xidhay wadada weyn ee Bisham-Swat. Howlaha samata bixinta ayaa socda waxaanay shaqaalaha samatabbixintu wadaan dadaalo ay ku baadi goobayaan dadka ku hoos jira burburka.

Afhayeen u hadlay kooxda badbaadada Rasool Khan ayaa sheegay in wadar ahaan sagaal qof la aasay halka saddex qofna la badbaadiyay, sida uu sheegay wargaysku.

Berberanews.com
Info@berberanews.com