Kenya: Al-shabaab oo weeraray shirkad Shiinaha laga leeyahay

Lamu -(Berberanews)-Koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab, ayaa dab qabadsiisay qalab ay lahayd shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo ka shaqaysa dhismaha iyo isgaadhsiinta, taas oo ku taal gobolka xeebta Lamu ee waddanka Kenya xalay, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolkaas Mr. Irungu Macharia.
Weerarkan ayaa yimi xilli Senator-ka magaalada Lamu, Anwar Loitiptip, uu dawladda ka codsaday inay disho dhammaan budhcadda iyo malleeshiyada looga shakisan yahay Alshabaab ee loo qabqabto weerraradii ugu dambeeyey ee dagaalyahannada Al-shabaab ka geysteen gobolkooda.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha ismaamulka Lamu, Irungu Macharia, ilaa hadda 10 qof ayaa la xidhay tan iyo markii ay dhaceen weerarro is daba joog ah oo lagu dilay 15 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tirsan ciidammada GSU bishan gudaheeda..

Berberanews.com
Info@berberanews.com