Millatariga USA: “Khilaafka Soomaaliya iyo waxqabad la’aanta AMISOM, waxay kordhisay khatarta Alshabaab”

Washington – Millatariga dalka Mareykanka, ayaa walaac weyn ka muujiyey khatarta kooxda Al-shabaab ee waddanka Soomaaliya oo uu sheegay inay aad kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqollaal askari oo Ameerikaan ah laga saaray Gobolka Geeska Afrika bishii January ee sannadkii hore.

Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend, ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku sheegay, in khatarta Al-shabaab ay tahay mid sii kordhaysa oo ay ugu wacan tahay waxqabad la’aanta AMISOM  iyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.

“Haddii aan cadaadis dheeraad ah la saarin Al-shabaab, waxaan ka walaacsanahay in uu dhici doono weerar weyn oo xoogagga Al-shabaab fuliyaan. Waxaan aragnay qaraxyo ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay labadii toddobaad ee u dambeeyey. Markaa waxaan filayaa inay sii fidayaan oo ay sii kordhayaan,” ayuu yidhi Jeneraal Townsend.

Taliyaha AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyey in millatariga Mareykanku uu weli tababaro ciidammada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya, inkastoo uu sheegay in ay shaqadooda gaabis ahayd bilihii lasoo dhaafay.
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso taageerada Soomaaliya, si loo wiiqo halista Alshabaab, iyadoo laga cabsi qabo in yaraanshaha taageerada millatari ee Maraykanku ay fursad u tahay Alshabaab.
Hadalkan walaaca leh ayaa ku soo beegmay bilo kadib markii diblomaasiyiin Mareykan ah ay sheegeen in taageerada ay siiyaan ciidammada Soomaaliya dib loo eegi doono, sababo la xidhiidha eedaymo Washington ugu jeedisay in ay ka qaybqaateen dagaalladii Ahlusunna lala galay.