Waddaniyadda Gabbaldayaha:

Sheekada Somaliland iyo Soomaaliya waa mulac iyo carruur; midkood waa u dheeldheel, kaftan, beerka qadada lagu sugo, cudur la beeray, murqaan shir la la yimi, wax aan weligeed soconayn.

Midkooda kale na, tabtii mulaca waa u qudhgooyo, qax iyo halaag, qori iyo baaruud, qabri iyo xabaalo, qaxooti iyo xeryo baas.

Labadan isdiiddo dhexdooda, sidii cawskii maroodiyadu ku dul legdameen, dulman baa ku go’day.

Intii aanay gegidan cawadarantu ka heshay yuurursan, in uun bay han iyo higsi lahayd. Mudnaan lagu majiirto lahayd, geyaankeed qab ay ku la tartanto lahayd.

Maanta se way mootan tahay, maya mar hore, sagaal sannadood ka dib mashxaraddeedii uun, ayay mootanaan dhaaftay, iilka xitaa lafaheedii laga la baxay, oo inta fargashi, dhego, qardhaaso iyo agab xarrago laga qortay, magaceedii wax aan muuqeedii iyo martabaddeedii midna ahayn loo gu yeedhay; oo midnimo loo bixiyay.

Maad baa kolkaas meeshii ka dhalatay, sumadda midnimadu waxay noqotay gabbaldaye aan bartilmaameed loo gu hagaago lahayn. Qof baa astaan u noqday oo halqabsi ka dhigtay, qof kale ayaa awrkiisa ku kacsaday oo sidii islaantii iyo Cabdiqaadir, kolkii la warsaday xidhiidhkooda yidhi jin baa wadaad ah.

U fiirso jilaaga u dambeeyay isdiiddadan, Farmaajo, madaxweynaha dawladda magaceedu baalmarsan yahay xeerka dalka uu awrka ku kacsanayo.

Soomaaliya, jamhuuriyaddii midnimada bilowga u ahayd, dastuur keli ah ayay lahayd, oo bulshadu u codaysay. Dastuurkaasi wuxuu 1969kii la dhintay midnimadii iyo riiqdii waddaniyadeed ee golaha taallay.

Kufsigaas dawladnimo, gobannimo, midnimo iyo waddaniyadeed ayaa 1977kii keenay in Jabuuti, gobolkii saddexaad ee midnimadu jees u dego, dantiisa na gooni u raacdo.

Halkaas danaysigu ku ma dhammaan, sannadkii 1981kii ayaa mar kale, ninkii xukunka boobay ee intuu dastuurkii dalka laalay, laba warqadood oo uu mid ba mar hindisay yidhi wax baan ku maamulaya, qod kale oo midnimada ah riday. Kulan uu is la sannadkaas Nayroobi ku la qaatay Daniel Arap Moi ayuu kaga masaxay buugga midnimodoonka Soomaaliyeed qaybtii afraad oo NFD ahayd. In Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Soomaaliyeed ka tanaasushay sheegashadii NDF ayuu Siyaad Barre u caddeeyay madaxweynihii Kiiniya.

Inkasta oo jamhuuriyadda uu Maxamed Siyaad Barre metelayay, la magac iyo maamuus ahayn tii midnimada raacdaynaysay(Jamhuuriyadda Dimquraadiga Soomaaliyeed vs Jamhuuriyadda Soomaaliya), yeelkeedee, wuu ku guulaystay inuu gobolkii afraad ka tiro astaanta midnimada.

Arrintaasi inay dhaqangashay waxa tusaale dhow kuu gu filan, meydkan dhowaan la sii siday; garnaqsigii badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed(oo iyana ah mid saddexaad) vs Kiiniya. Dacwadda JFS waxay garnaqsigeeda ku salaysay xuduuddii Maxamed Siyaad Barre u aqbalay Kiiniya, tii hore ee midnimodoonka waa laga tanaasulay.

Mar kale, bishii Abril 1988kii ayuu Maxamed Siyaad Barre, oo Jamhuuriyaddii Dimquraadiga Soomaaliyeed ee midnimodiidka ahayd haystaa, heshiis la galay madaxweynihii Itoobiya Mingistu Xayle Maryam, heshiiskaas wuxuu Siyaad Barre ku haniyeeyay qaybtii shanaad ee midnimada Soomaaliyeed, oo ahayd Soomaali Galbeed.

Baadidoonka gobolkaas Soomaali Galbeed wuxuu ku kacay, oo dadka Soomaaliyeed ka galaaftay aadmi iyo adduun aan isirka Soomaaligu weligii ka soo kabanayn, hadda na waxa lagu bixiyay qalin ilbidhiqsiyo qaatay iyo magac dawlad Soomaaliyeed oo aan xalaal ahayn.

Aan u soo noqono kolkaas Farmaajo, bartii ay 1969kii martay dawladnimadii Soomaalidu, ayay weli haadka koowaad haysataa. Dastuurkii 1960kii la isku raacay lagu ma noqon, tabtii kacaanka ayaa warqaddii koowaad la qortay, waa JFS, dunteeda waddaninimo xuub caaro ka dhumuc yar, hankeeda midnimo na heshiisyadii 1981kii ee JDS vs Kiiniya, iyo 1988kii ee JDS vs Itoobiya, mid na wax ka ma beddeli karto, bilxaqiiqan ka ma hadli karto.

Waxa kolkaas maangurracan ah, dawladnimada qawlaysato noocaas ahi u sheegan karto degaan gobannimodoonka Soomaalidu ka bilaabmay, weli na yahay saldhiggeeda.

In danaysigu ka qaalib yahay midnimada, Soomaaliweynta iyo erayada quruxda badan ee nin iska soo shaqo tegay ku tiraabo, waxa marag kuu gu filan taageerayaashooda.

Ma jiraan taageerayaal u dhiidhiya, dagaalama, halgama mabda’ la yidhaahdo MIDNIMO, ilaa Addis, Nayroobi, Carta iyo xerajaan, waxa jira taageerayaal qof ku xidhan. Kuwaas qofka ku xidhan uun baa maalintooda midnimada doonaya, maalinta qofkoodu dhaco na duurka gala.

Waa tabtaas tabta taageerayaasha maanta ee Farmaajo, ee midnimodoonka ahi ugu arkaan Xasan Shiikh(tus.) dabadhilif luminaya midnimadii dalka, waa na tabtaas ta berri ninka yimaadda taageerayaashiisa oo keli ahi isu la qumanaanayaan.

Waa na ta keenaysa in mulaca gartiisa riwaayad laga dhigto, dheeldheel iyo carruurnimo na loogu la yimaaddo.

Kol haddii midnimada halka laga ga baaqayo arrinkeedu kaftan yahay, oo waddaniyadda taallaa gabbaldaye tahay, in la isku danseegaa waa taloxumo keeni karta cidhibxumo.

Cabdillaahi Cawed Cige