Wikileaks oo baahiyey xog ku saabsan qorshe xilligii Maxaakiimta la damacsana Somaliland

Somaliland-(Berberanews)-Sida lagu faafiyey website-ka Wikileaks, Xasan Daahir Aweys ayaa xilligii uu ahaa hoggaamiyaha millatari ee Maxaakiimta diyaariyey hawlgal ballaadhan oo ujeeddadisu fogi aheyd in Maxaakiimtu ay inqalaabaan dawladda Somaliland oo ay xukunkeeda la wareegaan.
Haddaba, si ujeeddadaasi loo xaqiijiyo, Daahir Aweys waxa uu dajiyey qorshe marka hore lagu minjo-xaabinayo nabadda iyo deganaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana lagu burburinayo midnimada bulshadeeda.
Sida ku cad qoraal soo baxay 28 December 2006 oo uu ku saxeexan yahay Xasan Daahir Aweys.
Qorshahani wuxuu ka koobnaa qaybo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen:
1.In Maxkamado iyo dad Maxaakiimta ka wakiil ah laga sameeyo dhammaan gobollada iyo magaalooyinka Somaliland iyadoo la adeegsanayo odayaasha dhaqanka.
2.In ciidammada la dhex galo oo la kala furfuro, iyadoo la adeegsanayo qabyaaladda
3.In la khaarajiyo madaxda dawladda, iskaashina lala samaynayo, lana adeegsanayo mujrimiinta wax dila ee dambiyada caadaystay.
4.In reer walba loo sameeyo hoggaamiye dhaqameed taabacsan Maxaakiimta.
5.In wasiirrada lagu yeesho xubno u hannuunsan Maxaakiimta.
6.In la isku diro jilibadda ay beesha Marreexaan ka kooban tahay si loo daciifiyo oo loo soo xero galiyo.
6.In la isticmaalo oo taageero buuxda la siiyo janaraal Morgan si uu u burburiyo taageerada qabiil ee ay haystaan hoggaamiyeyaasha awoodda lagu tiriyo ama lagu tuhmayo ee Somalia ka jira.
7.In Somaliland iyo Itoobiya la isku diro
8.In la taageero jabhadaha ka soo horjeeda Itoobiya ee ONLF iyo OLF.
Berberanews.com
Info@berberanews.com