Africa: Maxaa ka socda Burkina Faso?

Burkino-(Berberanews)-Rasaas ayaa laga maqlay meel ku dhow madaxtooyada Burkina Faso, iyadoo ay socdaan howlgallo ay ciidamadu sameynayaan.

Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlayaa dhowr xero oo ku taal magaalada Ouagadougou, iyadoo askartu ay dalbanayaan in shaqada laga eryo taliyayaasha ciidamada, iyo dhaqaale dheeri ah oo lagula dagaalamo Islaamiyiinta xagjirka ah.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay taageerada ciidamada, taasoo ku qasabtay maamulka inay soo rogaan bandow xilliga habeenkii ah.

Dawladdu waxay sheegtay in la xakameeyey dhibaatada

Waxa ay meesha ka saartay wararka xanta ah ee ku saabsan isku dayga afgambiga cusub, wax yar ka dib markii 11 askari la xiray oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen afgambi.

Waa calaamadii ugu dambeysay ee muujineyso sida ay uga xuntahay dowladda Madaxweyne Roch Kaboré oo ku guuldareysatay inay damiso kacdoonka islaamiyiinta ee halakeeyay gobolka Galbeedka Afrika tan iyo sanadkii 2015-kii.

Dibad-baxayaasha oo taageerayay askarta ayaa dab qabadsiiyay xarunta xisbiga talada haya.

Rasaas ayaa laga maqlayaa xeryo ciidan oo ku yaala galbeedka iyo koofurta caasimadda, iyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha. Askarta lagu helay iskuday afgambi sanadkii 2015 ayaa lagu xiray xerada ku taal galbeedka, oo loo yaqaan Sangoule Lamizana.

Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlay saldhigyo ciidan oo ku yaala waqooyiga magaalooyinka Kaya iyo Ouahigouya, sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka.

Berberanews.com
Info@berberanews.com