Cabdiraxmaan Cirro oo la filayo inuu dalka ku soo laabto berri

Addis Ababa  -(Berberanews)-Musharaxa madaxwyne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu ku soo laabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa berri Salaasada, kadib markii uu socdaal dhowr maalmood ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Warar ay heshay shabakadda Qarannews, ayaa sheegay in Mr Cirro socdaalkiisa soo gaabiyay kadib markii ay dalka yimaaddeen qaar ka mid ah bulshada caalmka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka isla markaasina ay qaar kale oo badan dalka ku soo waajahan yihiin ayaamaha soo socda, kuwaasi oo kulamo joogto ah la yeelan doona xukuumadda iyo xisbiyada qaranka Somaliland.